Galmudug iyo Punland oo loogu baaqay badbaadinta dadka rayidka ah

Galmudug iyo Punland oo loogu baaqay badbaadinta dadka rayidka ah

SHARE

Hay’adda Calaamiga Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa ugu baaqday dhamaan Kooxaha ku dagaalamayo gudaha magaalladda Gaalkacyo inay qaadaan Tallaabooyin Taxadir leh si loo badbaadiyo dadka Rayidka, Shaqaalaha Daryeelka Caadimaadka iyo Tas-hiilaadka Daawooyinka.

Madaxa Ergadda Hay’adda ICRC ee Somalia, Jordi Raich Curco ayaa sheegay in qoysaska, hooyooyinka iyo carruurta dagaalka ku qabsaday Gaalkacyo in loo oggolaado inay tagaan Deegaano ammaan ah.

Waxa uu tilmaamay inaysan Shaqaalaha khibradda u leh Daaweynta ka mid ahayn Kooxaha dagaalamayo, loona baahan yahay inaan la beegsanin.

Isbuucii la soo dhaafay, Hay’adda ICRC waxay gargaar degdeg ah gaarsiiyeen 60,000 oo Barakacayaal ah, kuwaasi oo loo qeybiyey cunto iyo biyo ku filan muddo hal bil ah.

Dhinaca kale, Isniintii la soo dhaafay, Hay’adda ICRC waxay qalab caafimaad gaarsiiyeen Isbitaalladda, kuwaasi oo qaabilay 140 qof oo ku soo dhaawacantay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalladda Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY