EVS Cadawga Iyo Dilaaga Shilinka Soomaaliga. Qeybtii 2-aad

EVS Cadawga Iyo Dilaaga Shilinka Soomaaliga. Qeybtii 2-aad

SHARE

Waxaa jira dad badan oo ogaaday in EVC ay tahay dhib ku soo kordhay hantida gaarka ah ee umadda laakiin waxay awoodi waayeen in ay wax ka qabtaan ama ay dareen geliyaan dadka kale.

Markii aan bilaabayey qoraalkaan ka hadlaya EVC da waxaa I arkay mid ka mid ah dadka wax garadka ah ee soomaaliyeed waxa uu iyiri saaxiboow maxaa arimahaan ku gelinaya maad isaga noolaatid caaafimaadkaaga, maad iska daysid wax sheeg sheegaan ku gaarsiin kara in aad noloshaada waysid.

Waxaan iri : ka hadalka dhibka bulshadayda haysta iyo toosh ku ifintiisa haddaan naftayda ku waayo saw mujaahid ma ahi? Si dareen ku jira ayuu ii soo eegay wuxuuna yiri: ninyahaw nin meel ujeedo ayaad iila egtahay ee gaabgaabso, midda kale buu yiri ma ogatahy bulshada aad u ololaynayso haddii aad dhaawacanto iyo haddii aad dhimato in aysan muraad kaa lahayn.

Si qabaw Ayaan u iri maba ka rabo iyaga abaal marin iyo in ay I ogaadaan dabadeedna ay ii abaal gudaan.

Shib buu iga yiri sidaas Ayaana ku kala tagnay, laakiin anigu ima baqdin galin hadaladii uu I lahaa saaxibkeey,kaliya waxaan u qaatay nin u dadaalaya naftayda in uu yahay.

Waxaa jira arimo ka hadalkooda Qatar lagala kulmi karo laakiin aniga uma malaynayo in EVC ay tahay waxa ugu xun oo umadi ku hoos noolaato, isla markaana aan mudnayn in laga Aamuso, waana qasab in loo bareero khatar kasta oo ku hoos jirata ka hadalkeeda.

Markii ugu horaysay oo ay soo baxaysay EVCda dadku way la dhaceen wayna u bogayeen isticmaalkeeda, waxaa ka qayliyey isticmaalka EVCda dhaqdhaqaaqa Al-shabaab waxayna shirkadda Hormuud ku qasbeen in ay gebi ahaanba joojiyaan mashruucaas iyaga oo ku andacoonaya in ay tahay EVC da wax aan u wanaagsanayn dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ah Al-shabaab cadawga koowaad ee ay leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Markii shabaabku is hortaagayey EVCda magaca loo yaqiin wuxuu ahaa SAAD, laakiin heshiis hoosaad shirkaddu la gashay Maleeshiyada Al-shabaab ayaa mar kale la soo nooleeyey iyada oo magacaas SAAD laga bedelay loona bixiyey EVC Plas.

Fekerka bedelaadda waxaa iska lahaa Alshabaab maadaama wax ay diideen soo noqoshadooda ay magac dil u tahay kooxda Alshabaab waxayna mas’uuliyiinta shirkadda u sheegeen ka dib markii ay heshiiyeen in Magaca SAAD laga bedelo isla markaana ay u bixiyaan magac kale, sidaas ayayna madaxda shirkaddu ugu bixiyeen Mashruucii SAAD ee lagu dhici lahaa hantida shacbiga masaakiinta ah EVC PLAS.

Oday soomaaliyeed ayaa maalin waxa uu ka shan qariyey iyada oo la joogo mid ka mid ah goobaha lagu wada sheekaysto ee inta badan la isugu yimaado, wuxuu yiri: ragoow yaa ii sheegi kara qof wax sadaqaystay sanadahaan ay shaqaynaysay Mashruuca EVC da.

Waa la wada qoslay ruux kasta oo goobtaas joogayna waxaa galay feker iyo islabarog ku dhacay dib u arag maskaxeed, cabaar Ayaan la isla hadlin goor dambe ayaa mid kale oo goobta joogay yiri: wallee EVC waa mashruuc lagula dagaalamayo tacbashada Beerta Aakhiro iyo wax tarka dadka dhibaataaysan, waayo? Intii ay jirtay qof wax sadaqaystay waa yar yahay, hadalka ninkaas odayga ah uu soo jeediyeyna waa wax jira ee ragoow maxaa talo ah.

Odaygii markii hore bulaanka kiciyay ayaa mar labaad hadalkii qaatay wuxuuna yiri: Talo waa Tii Rabbi Soomaaliya iyo Soomaalida ku dhex nool Halgan baa la gudboon.

Iyadoo dakii meesha wada joogay aysan Go’aan gaarin ayaa goobtii lagu kala huleelay, maalinkii xigtay maalintaas Ayaan goobtii imid aniga oo dhagayste ah oo kaliya, markii la soo buuxsamay ayaa nin baa waxuu yiri : shalay galab odaygaan wax buu na dareensiiyey, hase yeeshee iyada oo aan wax meel isla dhigin ayaa la kala dareeray ee ragow EVC sidee laga yeelayaa? Isla markiiba laba nin baa ninkii ku soo booday kuna tiri: ninyahaw goobtaan waan ku nasanaa EVC na waxba nagama gelin ee naga daa sheeko nacaseedka.

Waa socotaa….

LEAVE A REPLY