Xero Loogu Talagalay dadka Ka soo Cararay Dagaalada Yaman Oo Laga Sameeyey...

Xero Loogu Talagalay dadka Ka soo Cararay Dagaalada Yaman Oo Laga Sameeyey Duleedka Boosaaso

SHARE

Gobobolka waqooyi bari ee Buntland mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Boosaaso, saraakiil ka kala socotay Hay’adda King salmon,Foundation, Hay’adda IOM iyo taliska Boliiska ayaa waxay ka qayb galeen dhagax dhig saldhig cusub ama xero loogu talagalay dadka ka soo hayamay colaadda Yaman ka socota.

Duqa degmada Boosaaso Eng Yaasiin Mire Maxamuud oo ugu horeyn ka hadlay dhagax-dhigaaas ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dhismaha saldhigan isla markaana uu kusoo beegmay waqtigii loo baahnaa,wuxuuna arrintan uga mahadceliyey  Hay’adaha King Salman Foundation iyo IOM.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa isna dhankiisa sheegay in “saldhigan waxa uu u adeegi doonaa ku dhaqan xerada taasoo ay ku ilaalinayaan amnigooda iyo sharaftooda”ayuu yiri taliyaha qaybta Boliiska gobolka bari C/raxmaan Yuusuf Xuseen.

Madaxa Mashaariicda IOM Heidi iyo Sarkaal ka socday King Salman Foundation ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in aysan ku koobnan doonin shaqooyinka ay qabanayaan saldhigan oo keliya balse ,waxay sheegeen in uu yahay saldhigaan mid  ay bulshadan u baahnaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays(Dhada) ayaa uga dambayntii ku tilmaamay  hirgelinta mashruucan King Salman Foundation iyo IOM,wuxuuna tilmaamay in saldhigan noqon doono mid loogu adeego dadka.

35-438-139-140-142-143-144-146-14748515355

____

RBC Radio

LEAVE A REPLY