War Deg Deg ah: Colaadda Gaalkacyo oo gaartay meeshii ugu xumeed iyo...

War Deg Deg ah: Colaadda Gaalkacyo oo gaartay meeshii ugu xumeed iyo Maxaabiis la kala dishay

SHARE

Waxaa la xaqiijey in labada maamul goboleed ee ku dagaalamaya bartamaha gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ay laayeen dhamaan maxaabiistii ay kala qabsadeen.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Maamulada Puntland iyo Galmudug Maanta ay si wada jir ah ugu toogteen Magaalada Gaalkacyo Maxaabiis la sheegay in labada dhinac ay ku kala qabsadeen dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Meydadka Maxaabiista la toogtay oo gaareysa 3-ruux ayaa la sheegay in qolo walba ay dhigeen Xaafadda Garsoor oo ku taalla halka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Labada Maamul
Cali Diiriye Alloore oo ka mid ah waxgaradk ku nool Magaalad Gaalkacyo oo la hadlay Warfidiyeenka ayaa xaqiijiyey jiritaanka Warka ku saabsan Maxaabiista labada dhinac ay ku dileen maant Magaalad Meydadkoodan la kala wareejistay.

Dhinaca Kale Nabadoon Alloore oo sii hadlaya ayaa sheegay in Maanta xiisaddu ay taagantahay islamarkaana aysan jirin wax waan-waan ah oo ay wadaan Masuuliyiinta labada dhinac iyo odayaasha Magaalada.

“waa wax la yaabo in la dilo ruux lagu qabtay dagaal oo maxbuus ah, mana aha wax soomaaliya laga yaqaano in la dilo maxaabiis dagaal lagu qabtay, dagaalkaasna ha ahaado mid sokeeye ama mid kale” ayuu yiri Cali Diiriye.

Warku waxa uu intaa ku darayaa intii yarayd ee maagaalada ku hartay ay saakay isaga huleeleen mar haddii maxaabiistii la qabsaday la kala dishay, tani waa mid keeni karta cadawtinimo cusub

LEAVE A REPLY