Waa sidee saaka xaaladda Magaalada Gaalcayo ee xarunta Gobolka Mudug

Waa sidee saaka xaaladda Magaalada Gaalcayo ee xarunta Gobolka Mudug

SHARE

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  ayaa Saakay degan kadib markii shalay Ciidamo kala taabacsan maamulada  Puntland iyo Galmudug ay gudaha Magaaladaas ay ku dagaalameen.

Dagaalkan oo ahaa midkiisii ugu xooganaa ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo, mudada bisha ah ee dagaalku uu ka soconaayo, ayaa sababay dhimashada 27 ruux oo dhinacyadii dagaalamay u badan iyo dhaawaca in ka badan 80 kale.

Ciidamada Maamulka Puntland iyo Galmudug ayaa wali isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta  Gobolka Mudug waxaana jirin cid wali kala dhex gashay labada Ciidan si loo dajiyo Colaada mar kale dib kaga soo cusboonaatay Magaaladaas.
Dhanka kale Maamulada Puntland iyo Galmudug oo dagaalka kawada hadlay ayaa midba midka kale waxa uu ku eedeeyay in uu isaga jabiyay heshiiska Xabad joojinta ahaa ee lagu gaaray Magaalada Abu Dubui ee dalka isuta imaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY