Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo maanta Go,aan ka gaari doonta Xeryaha...

Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo maanta Go,aan ka gaari doonta Xeryaha Dhadhaab

SHARE

Waxaa maanta Maxkamad Sare ee dalka Kenya ay dhageysan doontaa dacwad ka dhan ah, go’aanka ay Dowladda kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Hay’adda xaquuqul insaanka dalka Kenya ayaa sheegaysa in xiritaanka xerada Dhadhaab ay masiibo ku tahay kummanaanka qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool halkaasi, kuwaasi oo ay sheegtay in aysan haysan meel ay ku laabtaan.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegaya in ay doonayaan in dhammaadka bishan ay albaabada u laabaan xeradaasi Dhadhaab.

Waxa ay ku eedeeyeen qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ee deggan Xeryahaasi in ay u adeegaan Al-Shabaab si weerarro looga gaysto gudaha dalka Kenya.

Xeryaha Dhadhaab oo loo arko in ay yihiin kuwa ugu ballaaran caalamka ayaa waxaa la aasaasay kaddib colaaddii sokeeye ee Soomaaliya si hooy loo siiyo Soomaalida ka soo qaaxaya dalkooda.

Dhawaan dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay xireyso xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana arintaasi walaac ka muujiyay Qaramada Midoobey iyo sidoo kale dowladdaha Caalamka.

LEAVE A REPLY