Madaxweyne Xassan oo beeniyay warar ay puntiland ay maalmahaan waday

Madaxweyne Xassan oo beeniyay warar ay puntiland ay maalmahaan waday

SHARE
Somalian President Hassan Sheikh Mohamud speaks during a press conference with US Secretary of State Hillary Clinton following meetings at the State Department in Washington, DC, on January 17, 2013. AFP PHOTO / Saul LOEB

Madaxweynaha  Dowladda Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud  oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaliya aysan wax shaqo ah ku laheyn colaada xiligan ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxaysa Maamulada Galmudug iyo Puntland.

“Meel ay dowladda Soomaliya  colaad ka hurisay ma jirto xiligaan, wax door ahna kuma lahan, cid ay qalbi kala jirto dowladda Soomaaliya ma jirto, dhowr jeer ayaa ka codsanay in dagaalka la joojiyo maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaa ka shaqeynay heshiiskii December 2015-kii oo Beesha Caalamka goob joog ka aheyd”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlay Tv-ga Universal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  sheegay in colaada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay jirto qarni ka badan, isla markaana aanay aheyn dagaal maanta ama shalay soo bilowday, isagoo soo hadal qaaday heshiisyadii ay horay u gaareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahu Yuusuf Axmed iyo Jen, Ceydiid ee lagu dhameynayay colaada Gaalkacyo.

Dhowr jeer oo Hore Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lagu eedeeyay in ay hurinayso Colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug islarmarkaana ay garab taagan tahay dowlad Goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY