Hir-shabeelle oo Maanta Dooranaya Xubnaha Aqalka Sare

Hir-shabeelle oo Maanta Dooranaya Xubnaha Aqalka Sare

SHARE

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulkaas waxa ay ku dooran doonaan xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deeganada maamulkaas.

Maalintii shalay oo Taariikhda ay ku beegneed 06/11/2016 ayaa lagu waday in la dhageysto qudbadaha musharixiinta islamarkaana la doorto balse dib ayay u dhacday kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay ka hor yimaadeen  wax ka bedel uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Osoble liiskii Musharaxiinta Aqalka sare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Bare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta la dooran doono Xubnaha Aqalka sare ee deeganada Hir-shabeelle ka imaanaya , iyadoo gelinka hore ee maanta la dhageysanayo khudbadaha Musharaxiinta.

Magacyada Xubnaha Musharixiinta Aqalka Sare
1-Xasan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen
2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud,Fartuun C/qaadir
Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Sayid Axmed
3-Maxamed Cismaan Faarax(Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi
4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey,Cismaan Mocow iyo
Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.
5-Maxamed Awow Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi
6-Muuse Xasan Yalaxow(Muuse suudi) iyo  Xasan Cali Caadle
7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur
8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.

LEAVE A REPLY