E.V. C plus. Cadawga Iyo Dilaaga Shilinka Soomaaliyeed.!!!

E.V. C plus. Cadawga Iyo Dilaaga Shilinka Soomaaliyeed.!!!

SHARE

Cilmiga casriga ah ee dhaqaalaha marka la ganacsanayo ama la beec mushtarayo waxaa qaanuun u ah habka Badeeco, lacag, Badeeco.

Macnaha waxaan ula jeedaa haddii aad tahay ganacsade waxaad lacagtaada ku iibinaysaa Badeeco, dabadeed waad qaadaysaa badeecadii waxaad gaynaysaa dhul kale oo aan ahayn kaad ka soo iibisay, ka dibna waxaad badeecadii ku bedelaysaa lacag, adigoo meeshaada jooa ayaad lacagtii mar kale ku bedelaysaa badeeco, waxaad u soo qaadaysaa meeshii aad markii hore ka timid,dabadeed badeecadii aad waday ayaad mar kale lacag ku bedelaysaa.

Waa kaas qaynuunka saxda ah ee Ganacsiga xalaasha ah, laakiin Ganacsi laguma tilmaami karo waxaan ay keentay shirkadda Hormuud ee loo yaqaan EVC, ee dadka Soomaaliyeed hantidoodii, Muruqoodii iyo Maskaxdoodiiba lagu moora duugay.

Bal fiiri qof miskiin ah ayaa loo soo xawilayaa 50$ waxa uu la soo aadayaa meelaha lacaagta lagu sarifo waxaa la siinayaa hal milyan oo shilin Soomaali ah oo coosh ah, waayo intii muddo ah lacag cusub dawladihii kMG ahaa iyo tan la leeyahay waa la aqoonsaday sooma aysan samayn

Sidaas darteed ninkii miskiinka ahaa wuxuu qaadanayaa cooshkii cimrigiisa dhamaaday, waxuu isleeyahy wax iibso, dabadeed waxaa la dhahaa Adeer lacagtaan bololka ah xagga iiga dhaqaaji, waxa uu ku qasbanaanayaa in uu lacagtii uu watay kala sooco kana soo dhex saaro inta Milgada leh ee uu wax ku gadan karo.

Sidaas darteed hadii uu doono ninkii lacagtiisii uga soo bedeshay waxaan aan la qaadanaynin lagama yeelayo, waana laga diidayaa, ka dibna waxa uu samaysanayaa kuna qasbanyahay taleefoon uusan u baahnayn isticmaalikiisa si uu EVC ugu isticmaalo.

Bal fiiri haddana akhristoow ninkii 50 kiisii bil walba loo soo dirayey iyada oo Aaryo oo kale ah ayaa loogu soo shubaayaa waxa uuna wax kasta ku iibsanayaa lacag Adag “ DOOLAR”

Matalan waxa uu imaanayaa meel dharka lagu iibiyo wuxuu damcayaa ama uu arkayaa dhar ay caruurtiisa u baahan yihiin, wuu gorgorinayaa waxaa la leeyahay shaygee baad doonaysaa, kan buu leeyahay waxaa la leeyahay waa 3,ama 4, ama 5, Doolar waaye.

Wax lacag ah oo loo soo celinayana ma jirto,wuxuu imaanayaa meel shaaha laga cabbo laba ama hal koob oo shah ah ayuu cabayaa waxa uu la soo baxayaa telkiisii waxa uu ka tuurayaa Aaryo loo Yaqaano EVC Nus Ama Hal doolar waxaa loo soo celinayaa kun kun shilin oo googo’an yaa iga qaadanaya ayuu ku andacoonayaa waa lagaa bedelaa qaar kuwii la siiyay yara dhaama ayaa la siinayaa.

Waxa uu imaanayaa gurigiisa wiilkiisa ama gaabdhiisa ayaa waxay leedahay iskuulkii lacaagtiisii ayaa naloo soo diray waxa la soo baxayaa telkiisa, ileen waa khasab bixinta iskuulka lacaagtiisa waxa uu tuurayaa 10 doolar oo aarya ah, macalinkii loo tuurayna uu ku farxayo kii soo tuurayna uusan dareemayn sida uu wax u dhiibay, dhawr maalmood 4 ama 7 maamood ka dib lacagtii kontanka doolar ahayd oo uusan wax muuqda reerkii ka gelin ayay xaasiisii leedahay waxaan aadayaa aroos la ii soo digay ee waxaad I siisaa wixii aan uga qayb geli lahaa oo lacag ah.

Telkiisii ayuu la soo baxayaa waxaaba loo soo qorayaa kuguma filna haraagaaga, eeg buu maagayaa wixii lacag ah ee kuu haray wuxuu arkayaa haraagaagu waa Eber doolar, naxdin iyo istares uusan ka soo waaqsan baa ku dhacaya,wuxuuna leeyahay lacagtii kotanka doolar ahayd tolow yaa la tagay.

Haddaba dhibkaas wayn ayaa qof kasta oo soomaaliyeed haysta cid ku baraarugsana ma jirto oo ka hadlaysa. Maba moodaan in dadku la dhiig miiranayo oo ay dhiig miiranayaan kuwii sameeyey EVC da, maba oga dadka Soomaaliyeed in EVC ay tahay cadawga dilay Shilin Soomaaliga, ma dareensana in lagu haayo Gumaysi dhaqaale oo aan naxariis lahayn.

waa socotaa

LEAVE A REPLY