Aqoon La’aanta Xagga Jinsiga, Qeybtii 3-aad

Aqoon La’aanta Xagga Jinsiga, Qeybtii 3-aad

SHARE

Hoos ayuu u foorarsaday goor daambe ayuu kor ii soo eegay waxa uu yiri waan ku sirmay qoftaas noloshana waxba kama aysan aqoon, waxaan si miir leh u waydiiyey haddii aysan nolosha waxba ka aqoon maxaad adigu u bari wayday. Shib buu iga yiri cabaar Ayaan kala aamusnayn markii dambe Ayaan waydiiyey saw isma jeclayn intii aadan is guursan? Wuxuu yiri haa

Waxaan iri haddaba maxaa furniinka ugu degdegteen wuxuu yiri sidaas ayaa noloshayda u haboon intii ay taas I ag joogi lahayd.

Waxaan fekeray  in cabaar ah waana fami waayey waxa uu tabanayo  wiilkaas mar kale Ayaan maskaxdayda dib ugu noqday bal si aan  wax u ogaado waan fahmi waayay wax buu sheeganayaa haddana sida ay tahay wax u sheegi maayo,

In cabaar ah ka dib Ayaan wiilkii ku iri ninyahaw wax baad sheegaysaa, haddana ma garan meesha aad ka cabanayso iyo sida aad u cabanayso, wuxuu mar qura uu la soo booday isaga oo wajigiisa bedelan yahay saaxibow barkin meel iska taala adiga naag ma ka dhigan lahayd, markaas Ayaan ogaaday in wiilku uu xaaskiisa kala kulmay Aqoon la’aan xagga jinsiga ah,isla markaana uu awoodi waayay in uu bedelo amaba uusan isku dayin in uu wax ka bedelo maskiintaas xishoodku ka il doofiyay raali gelinta nafta ninkeeda.

Waxaan ogaaday in gabdhaas kaliya uusan cudurkaas haysan, waxaa jira gabdho badan oo soomaaliyeed oo inta badan qariya dareenkooda jinsi markasta oo ay wada kulmayaan raggooda iyaga oo ka xishooda xitaa neeftuurka yimaada marka uu ruuxa dhaddig fal gal jinsi la sameeynayo lamaankiisa, taana waa cudurka ugu xun ee faraha ba’an ku haya jiritaanka qoysaska is qaba.

Waxaana lagu waayaa guryo badan oo dhisnaan lahaa haddii arintaas la dabar gooyn lahaa.

Waxaan shaki lahayn wixii qof ku dhibtoodo in aysan dhibi Karin qoom dhan , maxaa yeelay hal mar ayaa halaambeey lagu qaadayaa.

Arintaan aqoon la’aanta jinsiga ku saabsana waa lagama maarmaan in hal feker laga qaato oo weerar cir dhul iyo badba lagu qaado

Laakiin sidee.

Kuuma sheegi karo sida balse waxaan kuu sheegi karaa wixii xun oo dhan oo bulshada wax u dhimaya in ay banaan tahay in daawo loo helo, arintaana waa tan ugu mudan in lala dagaalamo si guryaha dhismaya ama kuwa dhisan iyo kuwa dhismi doona mustaqbalka dhaw loo caymiyo.

Taana waa lagama maarmaan in bulshadu sidaas  wax u ogaato, waa xaqiiq jirta in bulshada soomaaliyeed ka hadalka arimahaas ay u arkaan wax xun isla markaana way ogyihiin in wax yeelo ba’an ay ku hayso qoysas fara badan.

Marka waa lama huraan laba kala daran mid dooro in ay arintu tahay, midda kale haddii laga hadlo oo wax la isugu sheego si cad waxaa loo arkayaa in ay akhlaaq darro tahay, haddii laga aamusana iyadana ay imaanayso burbur bulsho iyo baaba’ aan laga soo waaqsan.

Guntii iyo gabagabdii waxaan halkaan ku cadynayaa, in loo dulqaato waxyaabaaha la moodo in ay akhlaaq daro yahiin barshadooda iyo sheegsheegistooda oo aan nolosh looga maarmin, haddii kale isdabaalinta iyo is moogaysiinta waxaa ka imaanaya wax yaabo nolosha dhan u dhamayn kara.

 

Dhamaad

LEAVE A REPLY