Xasan Sheekh: “Xilka madaxweynenimada musharixiinta u tartamaya gobolada wey tagi karaan, wali...

Xasan Sheekh: “Xilka madaxweynenimada musharixiinta u tartamaya gobolada wey tagi karaan, wali ma heyno"

SHARE
Somalian President Hassan Sheikh Mohamud speaks during a press conference with US Secretary of State Hillary Clinton following meetings at the State Department in Washington, DC, on January 17, 2013. AFP PHOTO / Saul LOEB

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  oo isaguba ah musharrax ayaa ku celiyay dowladda inay xaqiijin doonto ammaanka musharrixinta ka qayb-galaya doorashada madaxweynaha oo dhawaan Muqdisho ka dhici doonta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya waajib ka saaran yahay xaqiijinta amaanka musharixiinta sanadkaan tartamaysa, maadaama doorashada ugu dambeysa ay ka dhaceyso caasimada Soomaaliya.

Marku madaxweynaha hadalkan sheegayay,wuxuu ka jawaab celiyay in musharixiinta qaar u imaan waayeen magaalada Muqdisho arrimo ammaankooda la xiriira,isagoo marka sheegay ineysan helin ilaa iyo hadda warbixin ku saabsan musharax amni la’aan darteed u imaan waayay magaalada Muqdisho.

“Xilka madaxweynenimada musharixiinta u tartamaya gobolada wey tagi karaan, wali ma heyno qof dowlada lasoo xiriiray oo dalbaday in amnigiisa la sugo, waxaa jiro gudi loo sameeyay iney ilaaliyaan amniga doorashada, walina nama soo gaarin musharax cabsi darted u imaan waayay”ayuu yiri Xasan Sheekh oo inta ku darey “Musharixiinta iney am,aan helaan waan ku shaqeynay waana ku shaqeyneynaa, waana la xaqiijinayaa amaanka musharixiinta sanadkaan tartamaya”.

Wuxuu madaxweynaha Xasan hadalkan ku soo beegay xilli ay waqti yar ka dhiman-tahay doorashada madaxweynaha,waxaana wali tagin magaalada Muqdisho musharrixin badan oo doorashada ka qayb-galaya.

LEAVE A REPLY