Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka Gaalkacyo iyo Qasaaraha ka dhashay oo sii kordhaya...

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka Gaalkacyo iyo Qasaaraha ka dhashay oo sii kordhaya (Daawo Sawirro)

SHARE

Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta mar kale ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana dagaalkan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan oo ka duwanaa Dagaaladii horey uga dhici jiray Gaalkacyo ayaa waxa uu bilowday saakay aroortii waxaana uu soo gaaray duhurnimadii maanta.

In ka badan shan qof u badan dhinacyadii dagaalamayay ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen dagaalka xoogan ee saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaa sidoo kale jira qasaaro badan oo dhaawacyo ah kuwaa oo la geeyay isbitaalada kuyaala Koonfurta iyo Waqooyga Gaalkacyo.

Dhinacyada Puntland iyo Galmudug oo ka kala hadlay Dagaalkan ayaa midba midka kale ku eedeeyay, waxaana bur buray heshiiskii Magaalada Dubai ay ku gaareen Madaxda Puntland iyo Galmudug.

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa wada dadaalo lagu xalinayo colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

1q2q3q4q

LEAVE A REPLY