War Deg Deg ah: Wariyihii ku dhawaacmay Dagaalka Gaalkacyo oo geeryoodey

War Deg Deg ah: Wariyihii ku dhawaacmay Dagaalka Gaalkacyo oo geeryoodey

SHARE

llaha unaxariistee waxaa goor dhow Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku geeryooday Wariye Mahad Cali Maxamed oo ka mid ahaa shaqaalaha Idaacadda Codka-Mudug.

Wariyan ayaa u geeryoodey dhaawac ka soo gaaray Dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaas oo udhaxeeyay Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Geerida Wariye Mahad Cali maxamed waxaa  xaqiijiyay Agaasimaha Idaacadda Codka-Mudug Hanad Maxamed Faarax.

Dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray dhinacyadii Dagaalamay iyo dad rayid ah.

LEAVE A REPLY