Maxaa ka run ah in 150 Askari oo Kenyan ah lagu dilay...

Maxaa ka run ah in 150 Askari oo Kenyan ah lagu dilay Weerarkii Deegaanka Ceel-cadde

SHARE

Warbixin ay QM soo saartay ayaa lagu xusay inay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab weli hayaan Askar Kenyan oo lagu qabtay Weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku qaadeen Xero ay Ciiddanka Kenyanka ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay tan iyo markii Alshabaab maxaabiis ahaan u qabteen Askartaasi, waxaa walaac xooggan laga muujiyey wararka isbedbelayo ee ku aadan Xaalladda ay Askartaasi ku sugan yihiin.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in ay Alshabaab xaalladda Askartaasi la wadaageen Dowladda Kenya, iyadoo loo mariyey Dhexdhexaadiye, waa sida lagu xusay Warbixintaasi.

Warbixinta Baarayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee Somalia iyo Eritrea waxaa kaloo lagu xaqiijiyey in 150 Askari Kenyan ah lagu dilay Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii Janaayo 15-dii ku qaadeen Xeradii Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Weerarka Ceel-cadde ayaa ah kii ugu dhimashadda badnaa ee Askarta Kenya.

Bishii September 28-dii ee sannadkan, Xarakadda Alshabaab waxay baahiyeen Muuqaal Video ah, oo mid ka mid ah Askarta Kenyanka kaga codsaday Dowladda Kenya inay Waanwaan ka galaan Sii-dayntiisa iyo in Ciiddanka Kenyanka laga wada saaro gudaha Somalia.

Askarigaasi oo lagu magacaabo Leonard Maingi ayaa ka codsaday Madaxweyne Uhuru inuu tixgeliyo Codsigeeda, maadaama ay Askarta Kenyanka amarkiisa ku soo galeen gudaha Somalia.

LEAVE A REPLY