Maamulka gobolka Hiiraan oo dhagax dhigay Xabsi Cusub+Sawirro

Maamulka gobolka Hiiraan oo dhagax dhigay Xabsi Cusub+Sawirro

SHARE

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Maanta magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ka dhagax dhigay Xabsiga dhexe ee magaaladaas oo la doonayo in dayactir lagu sameeyo.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehliyeen xubno uu kamid yahay taliyaha Booliiska Saldhiga degmada Baladweyne ayaa dhagax dhigay Xabsiga oo mudadii 25 ka Sano aheyd bur bursanaa.

Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada baledweyne Faarax Cilmi Macow oo dhagax dhiga kadib la hadlay warbaahinta ayaa shewgay in xabsiga uu burburay isla markaan dhowr jeer ay ka emaxaabiisa siyaaba kala duwan loogu xiray xabsiga.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali  Jeyte Cismaan oo ka hadlay dhismaha xabsiga dhexe ayaa shacabka Gobolka Hiiraan ugu baaqay iney ka qeyb qaatan dhismaha xabsiga iyo xarumaha danta guud ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

1

2

3

4

5

6

7

8

LEAVE A REPLY