Kooxo Hubeysan oo caawa ganacsade ku dilay Degmada Wadajir

Kooxo Hubeysan oo caawa ganacsade ku dilay Degmada Wadajir

SHARE

Wararka aan ka helayno degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa kooxo hubeysan ay degmadaas ku dileen nin la sheegay inuu ganacsade ahaa.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ninka la dilay lagu magacaabi jiray, Maxamuud Cabdulle Gacal waxaana lagu dilay farmashi uu ku lahaa degmada Wadajir.

Kooxaha hubeysan ayaa marxuumka ku dhiftay dhow xabadood, waxa uuna ku nafbaxay isla goobt.

Raggii dilka geystay oo ku hubeysnaa bastoolado  ayaa goobta ka baxsaday, sida caadada ahna waxaa halkaas daqiiqado ka dib soo gaaray ciidamo ka tirsan dowlada.

majirto wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka dagmada Wadajir iyo laamaha amaanka ee la xariira dilka caawa ka dhacay gudaha Dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Dowladda ayaa maalmo ka hor degmadaas ku qabtay labo nin oo toogasho ku dilay oday nabadoon ahaa.

LEAVE A REPLY