Dagaal u dhexeeya Shabaa iyo Burindi oo ka dhacay Deegaanka Ceel-baraf

Dagaal u dhexeeya Shabaa iyo Burindi oo ka dhacay Deegaanka Ceel-baraf

SHARE

Dadka deegaanka  Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha ayaa sheegay In dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Burindi oo maanta ka dhacay degaanka Ceelbaraf, kaasi oo bilowday abaarihii 10:00-barqanimo islamarkaana uu soo gaaray ilaa duhurnimadii maanta.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ilaa hadda la ogeen qasaaraha ka dhashay dalkaas.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday Madaafiic ay mar kale Xarakada  Al-shabaab ay duhurnimadii maanta ay ku gaaraceen Saldhig Ciidamada Brundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, intaas kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray dagaalyahanada Al-shabaab iyo kuwa Ciidamada Brundi.

Warar lagu baahiyay baraha Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Laba diyaaradood ay  Maanta Barqadii kasoo degteen deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxayna daabuleen sida wararka lagu sheegay Meydad iyo dhaawacyo, mid kamida diyaaradaha waxaa la saaray Meydadka 5 askari Burundeys ah halka diyaaradda kale ay daabushay dhaawacyada 8 Askari.

LEAVE A REPLY