Cadaabta Jacaylka waa sedkii wadnaha: (Dhambaal Furan)

Cadaabta Jacaylka waa sedkii wadnaha: (Dhambaal Furan)

SHARE

Ma Doonayo Dirqi In Aan Kugu Soo Xero Gashado, Mana Rabo In Aan Si Qasab Ah Kuu Geliyo Erayada Aan Jeclahay In Aan Afkaaga Ka Maqlo………………..!!!

Cadaabta Jacaylka.!!!

Diidmadaada manta iima keeni doonto qoomamo iyo in aan waayo naftayda, hase ahaatee maalin aan dheerayn waan ka kabsan doonaa wixii dhib ah ee aan kala kulmay isla waynidaada aan macnaha wayn samaynaynin.

Waan ogahay in haweenku aysan jeclayn sheeg-sheegista balaayooyinkii la soo maray iyo xusuusaha waayihii xumaa, taas bedelkeedana waxay ka door bidaan ka sheekaynta baraaraha iyo barwaaqooyinkii la soo maray,

Waad dareemi kartaa sida aan kuugu hanwaynahay, waadna qiyaasi kartaa sida aan manta kuugu jabanahay, waadna ogtahay sida aan xaggaaga ugu soo jeedo una sugayo gacan haatintaada naxariista leh ee mar kasta aan quud dareeyo.

Saaka waxaan isu jirnaa inta uu cirka uu u jiro dhulka aan ku taagaanahay, waayo? Adiga kuguma jirto naf wax jecel, laakiin waan hubaa in naftayda ay naftaada ka joogi la’dahay, kana nasan la’dahay.

Kaalay adiga maxaad is mooday? !! haddii lagu jeclaado ma dambi baa lagaa galay aan dhaafis lahayn, kaalay adigu ma waxaad u malaysay in aadan weligaa wax jeclaan doonin? Haa waa dhab in aad maalin uun wax jeclaan doontid inta aad nooshahay, isla markaana aad dhadhamin doontid waxa loo yaqaan Cadaabta Jacaylka.

Waana hubaa in aad markaasi miirsan doonto xis ahaan oo aad yeelan doontid damiir u hiiliya kuwa wax caashaqa ee aan kala aqoon dhibaha iyo wanaagga loo gaysto.

Kaalay adigu saw ma tihid bashar wax raboon kara , lana raboon kara? Saw ma lihid naf la mid ah tan ay leeyihiin insaanka kale? Saw ma taqaanid Alaha bedbedela quluubaha Aadanaha ee mar kasta meel intuu ka rogo meel kale u roga? Jawaabaha su’aalahaaasi waa wada Haa haddii aada is yeelyeelaynin.

Mar haddii ay sidaas tahay waxaa kugu waajib ah walaashaydii khaaliga aahaydeey in aad ii fidiso gacan gacan wax tar leh, gacan iyo garab aan siloonayn oo aan ku ogaado naxariistaada ee ii soo jiidda hirgelinta waxa ay naftayda u qaylinayso, taas oo ah adigaan I hortaagan maalin iyo habeen kasta.

Ma doonayo in aan qasab kugu soo xero gashado, mana doonayo in aan si qasab ah kuu geliyo erayadaa aan jeclahay in aan afkaaga ka maqlo, kaliya waxaaan rabaa in aan kugu soo jiito akhlaaq suuban iyo dareen ku cajab geliya oo aan hubo in aad u riyaaqi doonto haddii aad Amuurahayga ku eegto ruux caddaalada ah iyo dareen soo jeeda oo aan jiifin.

Waa kaas habka aan rabo in aan wax kuugu sheego, waana kaas habka ay wax isugu gudbiyaan Aadanaha ilbaxay ee manta ku kala nool qaaradaha kala gedisan ee dhaqanka iyo Diimahooda is waydaarsan yihiin.

Kama xumaan doono wixii fal naqa ee iiga kaa yimaada, ka dib markii aad fuliso codsigayga sare, waxaansr u qaadanayaa oo kaliya calaf iga hiiliyey iyo wax  ii qornayn oo kale, kumana tilmaami doono dareenkaaga diidmo qayaxan.

Marar badan afkayga waad ka maqashay aniga oo ku leh ii soo dhawaaw, waxaan u maleeynayaa in aad taasi u qaadatay caay iyo aflagaaddo mutaxan, waxaanse kuu sheegayaa in ay taasi iga ahayd sida kaliya ee aan dareenkayga kuugu soo xawili karay ama aan kugu soo gudbin karay.

Waxaanse kaa codsanayaa haddii aad ka xumaatay weerahayga kula guracan anigase ila saxsanaa markii aan kugu dhahaayey in aad ii fidiso cafis balaaran oo niyadda ii dhisa.

Sidaas awgeed yareey waxaan ku leeyahay ogoow manta waa Aduunyo Berrina waa Aakhiro, waayuhuna waa mid is daba yaalla oo aan joogsi lahayn ee yaryareeyso is cajabintaada si aadan u noqon wax aan jirin oo kale, kana faa’iidaayso jaaniska aad manta haaysato iyo waqtiga la joogo oo aan sii jiri doonin haddii Alle yiraahdo.

Nabadeey

LEAVE A REPLY