Aqoon la’aanta Xagga Jinsiga.!!  Qeybtii 2-aad

Aqoon la’aanta Xagga Jinsiga.!!  Qeybtii 2-aad

SHARE

 

Haddaba iyada oo intaasi jirto ayaa la arkaa si kaastaa arintu ha ahaatee in wiilkii iyo gabdhii is guursadaan 20 maalmood ka dib ama in kayar usbuucyo tirsan lagu kala dareero gurigii la dhisay iyo jacaylkii lagu sal saalayey waqi yar ka hor,laakiin weli la isma waydiin waxa taasi keenay.

Ujeedada qormadaana waxaan ku iftiiminayaa dhibaatooyinkaas ku habsaday in badan oo ka mid ah guryahii lagu soo dhisay dhaqaalaha, dhalinyaranimada , caafimaadka iyo jacaylka oo maanta mid kaliya ka taagnayn, xitaa dakii isla xididay aysan indhaha isu dhamayn Karin xumaantii dhex martay awgeed ka dib markii ay fashilmeen labadii ku andacoonayey waan is rabnaa iyo waan is jecelnahay, haaddaba Maxaa is jeclaantii u bedelay is necbaan intaas u qara wayn Adigu ma garan kartaa?

Kaliya waa aqoon la’aanta xagga jinsiga ah ee labada isqabta, ee markii hore moodayey in dhaqaalaha. Dhalinyaranimada, caafimaadka iyo jacaylaka kaliya moodayey in uu guriga ay dhisayaan uu ku sii jiri karo, taasni waxay beenoowday markii aqal qura la isla tagay dabadeedna la isku soo xirtay oo la bilaabay noloshii dhabta ahayd ee Guurka.

Waxaa soo baxay dhaliilo aan markii hore muuqan oo sii daciifinaya hamuuntii la isu qabay, waxa la is arkayaa iyada oo la is dhibsanayo la is necbaysanayo ka dib markii la is ku qancinwaayo Kulankii sariirta.

Kaas oo u baahan aqoon gaar ah oo aan laga soo baran guryihii lagu soo bar baaray, kaas oo aan loo galin iskuul gaar ah marka la joogo soomaaliya, kaas oo aan horay looga sheekaysan marka dal Muslim ah lagu nool yahay laakiin tiir dhexaad u ah guri kasta farxadiisa sii jiristiisa iyo weliba waaristiisaba

Laakiin dhalinta Soomaalida badankooda ay iska indhatiraan hadhawna ay isaga calaacalaan dhawr guur ayaa iga halaabay, iyo mar kale ma doonayo in aan ku sirmo qof kale, mana sheegi karaan waxa ay ugu fashilmeen isku daygoodii guurka ahaa.

Aduunyada waxaa ugu daran dhib ku haysta oo aadan sheegi Karin wixii u sababta ahaa in uu dhibkaasi kuu yimaado.

Bal eeg waxaan la sheekaystay mid ka mid ah dhalinta xaafadda ila degan oo dalaaqay gabar isaga u dhaxday, waxaan waydiiyey hebeloow maxaad isaga furtay yartii aad dhawaan soo guursatay ee aad ii amaani jirtay iguna dhihi jirtay tan waa mustaqbalkayga aduunyada.

Hoos ayuu u foorarsaday goor daambe ayuu kor ii soo eegay waxa uu yiri waan ku sirmay qoftaas noloshana waxba kama aysan aqoon, waxaan si miir leh u waydiiyey haddii aysan nolosha waxba ka aqoon maxaad adigu u bari wayday. Shib buu iga yiri cabaar Ayaan kala aamusnayn markii dambe Ayaan waydiiyey saw isma jeclayn intii aadan is guursan? Wuxuu yiri haa

Waxaan iri haddabaa maxaa furniinka ugu degdegteen wuxuu yiri sidaas ayaa noloshayda u haboon intii ay taas I ag joogi lahayd.

Waa Socotaa ——————–

LEAVE A REPLY