
Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka ka sii degaya ayaa sheegay doorashada dhawaan ka dhacaysa dalka inaysan wax raad ah ku lahaan doonin dad ajaaniib.
Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu sheegay inuusan garaneyn sida dad ajaaniib ah doorashada sanadkaan ugu lug yeelan karaan, maadaama dad wax soo dooranaya ay yihiin 51 ruux oo Soomaaliyeed oo soo dooranaya xildhibaanka matalaya.
“Doorashada Soomaaliya waxa ay ka timid markii hal qof uu go’aanka yaa Xildhibaan noqonaya lahaa waa ay ka timid 51 qof oo reer Hebel ah oo jufo hebel ah oo Degmo hebel ka yimid, magaranaayo aniga dad Ajnabi ah sida ay raad ugu yeelan karaan “ ayuu yiri Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Mar kale wuxuu madaxweynaha caddeeyay in doorashada sanadkaan dhaceyso waqtiga lagu balamay, islamarkaana doorashooyinka aqalka Hoose todobaadkaan ka dhacayaan magaaloyinka caasimadaha ah.
Ugu dambeyn madaxweyne Xasan ayaa sheegay in doorashada sanadkaan dhaceyso waqtiga lagu balamay, islamarkaana doorashooyinka aqalka Hoose todobaadkaan ka dhacayaan magaaloyinka caasimadaha ah.