Madaxweynaha Hirshabelle oo sheegay in Gobolka Hiiraan uusan helin saami-qeybsiga xubnaha Aqalka...

Madaxweynaha Hirshabelle oo sheegay in Gobolka Hiiraan uusan helin saami-qeybsiga xubnaha Aqalka sare

SHARE

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uusan helin saami-qeybsiga xubnaha Aqalka sare oo u mudnaa, waxa uuna sheegay xili uu ku dhawaaqay liiska xubnaha musharixiinta aqalka sare ee maamulkiisa.

Cali Cabdullaahi Cosbole  ayaa xusuay muddo dheer ay ka qay-linayeen wax-garadka iyo dadka gobolka Hiiraan inay xaqooda ka helan xubnaha Aqalka sare ee gobolka ku matalaya baarlamaanka Faderaalka.

“1960-kii gobolka Hiiraan oo marka la eego gobol ahaan, waxaan u aragnaa saamiga uu ka hellay xubnaha aqalka sare ee Afarta xubnood ee lagu dulmiyay, waana arinta ay muddo dheer ay saluugsanaayeen bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan” ayuu yiri Cosbole.

Madaxweynaha Hirshabeelle meesha kama saarin tanaasul, isagoo marka sheegay in loo baahan-yahay gobolka Hiiraan inuu tanaasul muujiyo,si looga shaqeeyo hormarka dalka, iyo dib u dhiskiisa intaba.

Hadalka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku soo aaday,xilli ay uu marar badan  ku cel celiyay, Ugaas Xassan Ugaas Khaliif  in labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe saami isla eg ku yeellan karin aqalka sare ee dalka.

LEAVE A REPLY