Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo dib ugu laabtay Cadaado, ayaa ka hadlay ammaanka deegaannada Galmudug isagoo caddeeyay suragalnimada weerarro ay qorsheynayaan al-Shabaab.
Wuxuu faray dhamman hay’adaha ammaanka ee maamulka inay galaan feejignaan dheeri ah, si looga hortago weerarro ay fuliyaan dagaal-yahannada al-Shabaab.
“Galmudug waxaa ka dhaceysa doorashada Aqalka hoose waxaan farayaa Ciidamada Amniga iyo kuwa AMISOM in ay ka digtoonaadaan weerarro uga yimaada Shabaab” ayuu yiri Guuleed.
Xarunta kumeel-gaarka u ah maamulka Galmudug ee Cadaado ayaa la filaya toddobadkan inay ka dhacdo doorashada xildhibaannada deegaannada u matalaya dowladda dhexe.
Cabsida laga qabo weerarro dalka ka dhaca kuma eka Galmudug oo waxaa jira meelo kale oo laga baqayo inay ka dhacaan weerarro lugu beegsado goobaha doorashada.