Dhibaatada haysata Hoggaanka Soomaaliya waa fikir la'aan marka ay timaado inay...

Dhibaatada haysata Hoggaanka Soomaaliya waa fikir la'aan marka ay timaado inay ciidamada AMISOM baxaan magalooyinka qaar

SHARE

Madaxweynaha dalka Uganda, ayaa dareen aan wanagsaneyn ka muujiyay waqtigan deegaanno ka mid ah Soomaaliya inay ka baxayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

Yoweri Museveni, wuxuu arrimahan ka hadlay xili kulan gaar ah uu la qaadanayay saraakiil ka socota dalka Faransiiska, wuxuuna kulanka ka dhacay hotel ku yaalla degaan xeebedka Munyonyo waxaa ka qeyb galay safiirka cusub ee Faransiiska u qaabilsan dalkaasi Uganda Ms. Stephanie Rivoa oo boqatay ciidamada Faransiska ka jooga wadankaasi.

Museveni ayaa shaaca ka qaaday dhibaatada haysata hoggaanka Soomaaliya inay tahay fikir la’aanta marka ay timaado inay ciidamada AMISOM ka baxaan magalooyinka qaar.

Saraakiisha Faransiiska ee kulankaasi ka qeyb galay ayaa muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin ciidamada Ethiopa saldhigyadoodi inay baneeyaan halkaasi oo goor danbe ay la wareegen dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ugu baaqay Midowga Yurub inay sii wadaan taagerrada ay la garab taagan yiiin ciidamada AMISOM si ay u sii wadaan soo celinta xasilonida Soomaaliya.

“Haddii Itoobiya ciidamada kala baxday degaano kamid ah Soomaaliya waxaa diyaar u ah ciidamadeeni oo hogaan iyo ciidanba leh oo dabooli kara duleelada soo baxay” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Hadalka wuxuu ku soo aadiyay madaxweynaha Uganda xili oo Soomaaliya u diray ciidamada ugu badan ee qaybta ka ah AMISOM.

LEAVE A REPLY