Aqoon la’aanta Xagga Jinsiga.!! Qeybtii 1-aad

Aqoon la’aanta Xagga Jinsiga.!! Qeybtii 1-aad

SHARE

Guriga laguma dhiso dhaqaale , laguma dhiso dhalinyaranimo iyo waan caafimaad qabnaa, lagumana dhiso waan isjecelnahay oo kaliya.

Waxaa la arkay guryo badan oo haystay kanzi dhaqaalle iyo kayd fara badan, kanzi dhalinyaranimo iyo caafimaad, iyo weliba kanzi caashaq oo ay ka buuxaan xusuuso fara badaan oo haddana burburay.

Waxaa la is waydiiyey guurku mar haddii uu haysto dhaqaale ay ku wada noolaan karaan labada isqabta, haddii uu haysto dhalinyaranimadii iyo caafimaad qabkii looga baahnaa, haddii ay labada lamaane ay is jecel yihiin maxaa keenaya isfurniinkaan xadka ka baxay ee maalin kasta taagan.

Waxaa la ogaaday in intaasi ay saaldhig u yihiin guurka haddana ay intaasi oo qura lagu dhisin guri iyo guur quman, isla markaana uu ka maqan yahay hal tiir oo udub dhexaad u ah dhamaaan intaas aan soo sheegnay, Haddii tiirkaasi la waayana uusan jiraynin guurka maanta ay wada galaan dadka manta jira ee ku nool dunidaan casriga ah.

laakiin dadkii naga horeeyey arintooda way ka duwanayd tan manta jirta waayo? Hab dhaqan gaar ah ayay dadkaas naga horeeyey ku noolaayeen.

Matalan gabdha dooq iyo doorasho ma lahayn kaliya waxay iimaansan jirtay wixii ay waalidkeed kula taliyaan iyo ninka ay u soo xulaan kamana hadli Karin sidaas ayayna ku afduubnayd gabdhii joogtay nus qarni ka hor.

Laakiin maanta waxaa jira hab dhaqaan kale oo ka duwan midkii waagii hore jiri jiray,waxaad arkaysaa gabar iska diidaysa nin waalidkeed u soo dooray oo oranaysa ma aha ninkaan mid aan aniga soo doortay.

waxaad arkaysaa wiil iyo gabar had iyo goor isla jira oo aaan is qabin haddii la waydiiyana oo lagu yiraahdo maxaa idinka dhaxeeya labadiin qof waxa ay af buuxa kuugu sheegayaan in ay labadooda is jecel yihiin mustaqbalkana ay rajaynayaan in ay is guursadaan.

Waxaad arkaysaa gabar qolkeeda gaarka ah ee gurigooda la xaluulanaysa wiil shisheeye ka ah iyada oo ay u jeedaan waalidkeed iyo walaalaheed isla markaana u sheegaysa in uu wiilkaani yahay wiika kaliya ee ay ka dooratay wiilashii kale ayna rajaynayso in ay la dhisato mustaqbal hagaagsan

Haddaba iyada oo intaasi jirto ayaa la arkaa si kaastaa arintu ha ahaatee in wiilkii iyo gabdhii is guursadaan 20 maalmood ka dib ama in kayar usbuucyo tirsan lagu kala dareero gurigii la dhisay iyo jacaylkii lagu sal saalayey waqi yar ka hor,laakiin weli la isma waydiin waxa taasi keenay.

Ujeedada qormadaana waxaan ku iftiiminayaa dhibaatooyinkaas ku habsaday in badan oo ka mid ah guryahii lagu soo dhisay dhaqaalaha, dhalinyaranimada , caafimaadka iyo jacaylka oo maanta mid kaliya ka taagnayn, xitaa dakii isla xididay aysan indhaha isu dhamayn Karin xumaantii dhex martay awgeed ka dib markii ay fashilmeen labadii ku andacoonayey waan is rabnaa iyo waan is jecelnahay, haaddaba Maxaa is jeclaantii u bedelay is necbaan intaas u qara wayn Adigu ma garan kartaa?

Waa Socotaa –

LEAVE A REPLY