Dhambaal Caashaq!!!

Dhambaal Caashaq!!!

SHARE

Noloshayda Si Kadis Ah Ayaad Ku Soo Gashay, Balse Waxaad I Bartay…………. !!

Fogaanshaha ayaa go’aamiya qofka aad la kulmaysid noloshaada, laakiin kaliya qalbigaaga ayaa go’aan ka gaari kara kan noloshaada ku waaraya.

“Farxadda qaarkeed waxaa lagu cabbiraa aamusnaan, halka dhoola cadayntuna ay Siddo micno ka badan erayada uu carabkaaga la dhaqdhaqaaqo”.

Waxaa lay waydiiyey in aan jawi farxad ah ku jiro markaad noloshayda ka mid tahay, waxaan ku jawaabay dhoolacaddeyn.

“haddii la I yiraahdo soo tiri sababaha aan adiga kugu jeclahay, waxay igu qaadanaysaa inta nolosha ka dhiman in aan soo xisaabiyo, waayo? jacaylaaga wuxuu iiga dhigan yahay Dunni aniga iyo adiga inoo qaas ah”.

Nolosha wax macno ah kuma fadhido haddii aanan kaa helin jacayl daacad ah oo farxad ku dhisan, waana waxa kaliya ee aan kaaga baahanahay inaad wahsi la’aan iigu deeqdo.

Marka wax waalbo ay u muuqdaan in ay kaa lumeen oo cidladu daris kula noqoto, xaqiiqda ma garan kartid waxa aad samayso, Fiiri gudaha qalbigayga waxaad ka dhex arkaysaa inuu kaaga banaaanyahay boos qaas kuu ah adiga.

Mar walba oo aan ku arkaba aniga xaggayga wax walbo way kaa istaagaan, waxaana ku indhadoogsadaa quruxdaada.

Naftu kama dharagto in ay kugu ildoogsato, kuguna riyaaqdo, sidoo kalana kama bogato qaabdhismeedkaaga hagaagsaan ee uu Alle kuu sameeyey.

Mararka qaar waxaan dayacaa inaan kuu sheego sida aad xaggayga muhiim ugu tahay sida joogidaada ay iigu samayso farqi wayn.

Dadka nuucaaga ah way ku yar yihiin dunida, waxaana rajaynayaa in aad garwaaqsatay macnaha aad iigu fadhido.

Waxaad ku soo gashay naftayda si kadis ah, waxaadna I siisay laba arimood oo kala ah.: -Dulqaad qalbiga ka soo go’ay iyo nolosha oo ii iftiintay…

Yaysan eraydaan kaliya taabanin indhahaaga, haku dhex safraan naftaada, hana ku dhex nastaano qalbigaaga sida aad kayga u dhex degtay.

Ogoow wadnuhu waxuu qabaa dhaawacyo caashaq, Cidladuna waxay igu sii kordhisaa baahida Caashaq, hadalkaagana waxaan uga helaa sida neecawda macaan nooluhu ugu baahan yahay.

Kuma dhahayo hadal aan jirin, kugumana qayaamayo weero qurxoon oo aan isku soo aadistay, waxaanse ku oranayaa sadar kasta ee qoraalkaan ka mid ah waxa uu ka soo baxay dalool kasta oo jirkayga ka mid ah, isaga oo weliba xanuujinaya.

Waa kaas fekerka dhabta ah ee aan kaa qabo, waana kaas erayda runta ah ee ka soo butaacay laabtayda, isla markaana aan kugu soo gudbiyey qalbi furan oo adiga kuu daacad ah iyo dareen jira oo aniga uun ii gaar ah.

Nabdeey xabiitii.

LEAVE A REPLY