Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu ku qaabilay Danjiraha cusub Midowga Yurub ay u soo magacaabeen Soomaaliya.

Arintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii waqtigiisa uu dhamaaday Danjirihii hore Soomaaliya ee Midowga yurub u qaabilsanaa, waxaana Midowga Yurub ay garowsadeen in ay soo magacaabaan Danjire cusub oo Soomaaliya uga Howlgalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha ayaa waxa uu sheegay in ay farxad tahay in Midowga Yurub Soomaaliya u soo magacaabaan Danjire cusub.

Danjiraha cusub ayaa dhankiisa balan qaaday in uu la imaan doono waqabad wanaagsan, oo ku aadan Howlaha Midowga Yurub ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxa ay waday qorshe ku aadan, sidii ay si toos ah ula wareegi laheyd Howlaha Mashaariicda ah ee Midowga Yurub ay ka fuliyaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY