Haweenku waa Macallinka koowaad ee ubadka waxaa lagama maarmaan ah in wax...

Haweenku waa Macallinka koowaad ee ubadka waxaa lagama maarmaan ah in wax la baro

SHARE
photo: Sven Torfinn. Somalia, Mogadishu. December 2011. Pictures taken during The Global Enrichment Foundation Christmas Convoy from 21 till 25st of December in Mogadishu. Food distributions for famine relief in Somalia. Refugees, Internal Displaced People living in camps around the capital Mogadishu, a city in ruins after more than 2 decades of civil war. The Global Enrichment Foundation also supports education for girls and young women. University students receive a scholarship. Education. University of Mogadishu. Aidarus Abubakar has their names: abubakar.aidaruz@gmail.com

Qof kasta waa waajib inuu waxbarto lab ha ahaado ama dhedig ha ahaado, kumana xirna xilli iyo Da’ toona. Waxbarashada iyo aqoontu waxay Culimadu ku tilmaamaan inay la mid tahay ilayska Dunida, jahliguna uu la mid yahay mugdi.

Diinteena Islaamku, waxay waxbarashadu ka dhigtay waajib saaran qofkasta ha ahaado waxa la baranaayo cilmiga Diinta ama kan kale ee cilmi Sayniska loo yaqaan, waxaana ilaah Qur’aankiisa noogu caddeeyay inaysan sinnayn qofka wax yaqaan iyo kan aan wax aqoonin, oo uu sareeyo kan wax yaqaan ee caalimka ah.

Sidaa darteed, maadaama Haweenku yihiin Macallinka koowaad ee ubadka tan iyo inta laga geynayo dugsi ama iskuul, waxaa lagama maarmaan ah in wax la baro, si iyana wax u baraan ubadkooda, waxaana la cadeeyay in hal gabar oo wax la baro ay ka dhigan tahay Qoys dhan oo wax la baray, oo ay kaga saamayn weyn tahay wiilka, waayoowaxay iyadu si dhib yar ugu gudbin kartaa aqoonteeda ubadka ay dhashay, halka Aabbuhu uu dhib kala kulmo haddii Haweeneydu aanay aqoon lahayn.

Dhinaca kale, Haweenka aan aqoonta lahayn, waxay halis u yihiin inay aaminaan waxyaabaha khuraafaadka ee aan cilmiga iyo Diinta Islaamka sal ku lahayn ee caado Soomaaliga loo yaqaan, waana dhibaato hadda haysata Qoysas Soomaaliyeed oo fara badan, gaar ahaan marka ay Haweeneydu bukooto ama ilmuhu ka bukoodaan waxayna aadaa goobaha wax lagu daweeyo caado Sooomaaliga, halkii ay dhaqtarka ka aadi lahayd, si looga daweeyo Cudurka haya ama ilmaha ka haya.

Haddaba. Waxaan Haweenka Soomaaliyeed u soo jeedinaynaa inay wax bartaan, si ay wax u baraan ubadkooda ama naf ahaantooda wax ugu anfacaan, mana laha waxbarashadu xilli iyo da’ toona, sidaan horey u soo sheegnay.

Sidoo kale, waxaan waalidiinta Soomaaliyeed u soo jeedinaynaa inay gabdhahooda wax baraan inta ay yar yihiin sida wiilashuba wax u baraan, waayo sida la ogaaday iyaga ayaa kaga faa’iido badan wiilka sidaan horey u soo xusnay, gaar ahaan saamaynta ubadkeeda, iyadoo taasi u dheer tahay faa’iidada ay u leedahay  Bulshada iyo Dalakaba.

Dhinaca kale, waxaan u soo jeedinaynaa haweenka in iyaga qudhoodu ku dadaalaan waxbarashada, oo ayan ka caajisin, waxaana la ogaaday in gabdho badan markii la guursaday iska daayeen waxbarashadoodii, waana arrin niyad jab ku keeneysa waalidiintii markii hore ku soo dadaashay waxbarashadooda marka ay arkaan gabadhoodii oo noqotay mid aan weligeed iskuul la geyn.

Gunta iyo gabegebadu haweenku waa inay ku dadaalaan waxbarashada da’ kasta oo ay ku jiraan iyo xaalad kasta oo ay ku sugan yihiinba.

LEAVE A REPLY