Deg-Deg: Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo la wareegay Deegaanka Goofgaduud

Deg-Deg: Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo la wareegay Deegaanka Goofgaduud

SHARE

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa goor dhaw la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud oo Qiyaastii Magaalada Baydhabo u jirta 30-KM.

Ciidamada uu hogaaminaayo Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed,Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), oo tiradooda ay gaareyso 500 oo Askari ayaa gudaha u galay Deegaanka Goofgaduud.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada oo aanan la kulmin wax iska caabin ah inay qabsadeen deegaankaan, kadib markii ciidamada Ururka Al Shabaab ay halkaasi isaga baxeen.

Xaalada Deegaanka Goofgaduud ayaa degan, waxaana si buuxda hada gacanta ugu haayo ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Taliye ku xigeenka Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari Case, oo la hadlay Risaala ayaa sheegay deegaanka inay joogaan hada ciidankooda oo nabad ay ka jirto.

LEAVE A REPLY