Dagaal beeleed qasaaro badan geystay oo ka dhacay Cabuudwaaq

Dagaal beeleed qasaaro badan geystay oo ka dhacay Cabuudwaaq

SHARE

Ugu yaraan Hal Qof ayaa ku geeriyooday Lix kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaal xooggan oo Maanta ka dhacay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa salka ku haya aano Qabiil oo in dhowaalaba soo taxnayd, iyadoo Qofka Maanta dhintay la sheegay in looga aaray Nin kale oo Shalay lagu dilay isla Magaalada Cabuudwaaq, kaasoo laftiisa loogu aarayay Nin hore loogu qaarijiyay halkaasi.

Jewiga Magaalada Cabuudwaaq ayaa haatan yara deggen balse, waxaa waan waanta Odayaasha dhaqanka ka barbar soconaya abaabul dagaal iyo isu tabaabushaysi ay samaynayaan Labada Beelood ee ay xurguftu dhex taallo.

Magaalada Cabuudwaaq ayaa waayadii dambe marti u noqotay dilalka iyo aanooyinka Qabiil, waxaana halkaasi lagu dilay Dad Bulshada dhexdeeda Magac ku leh oo ay ku jiraan Nabaddoonno iyo aqoon yahanno ka soo jeeda degaankaas.

LEAVE A REPLY