Askari ka tirsan Al-shabaab oo dilay Sargaal ka tirsan Al-shabaab

Askari ka tirsan Al-shabaab oo dilay Sargaal ka tirsan Al-shabaab

SHARE

Wararka laga Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay sarkaal aad u muhiim ugu ah looga dilay gobolka Shabellaha Hoose.

Mid kamid ah ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay inuu dilay sarkaalkii ku xigeenka u ahaa guddoomiyaha dhanka Sh/hoose ee Al-shabaab kaasi oo lagu soo koobay Magaciisa Muumin.

Sarkaalkan ayaa la sheegay iney is af dhaafeen Askari Al-shabaab ah, waxaana taasi ay keentay in askariga uu caroodo kadibna dhowr xabadood ku dhuftay sarkaalkaasi.

Waxaana goobta isaga baxsaday askarigii dilka geystay, iyadoo baadigoob illaa hadda loogu jiro.

Sarkaalkaan lagu magacaabo Muumin ee laga dilay Al-shabaab ayaa ahaa shaqsi ay aad uga baqi jireen shacabka Sh/hoose.

LEAVE A REPLY