Askar ka tirsan Ciidamada Maraykan Oo Ka Degay Boosaaso

Askar ka tirsan Ciidamada Maraykan Oo Ka Degay Boosaaso

SHARE

Ciidamo Maraykan ah oo aad u hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ka dageen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasi oo ay kula soo kulmeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo Puntland ah.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay kasoo degeen Markab dagaal oo kusoo dhowaaday Dekadda Boosaaso, halkaasi ay kasoo qaadeen diyaarado Helicopter ah.

Mid kamid ah Saraakiisha Puntland oo magaciisa ka gaabsaday ayaa inoo xaqiijiyey in ulajeedka ciidankaan u tageen Boosaaso tahay arrimaha la xiriira dagaallada ka dhanka ah Daacish.

Waxaa la sheegay in la doonayo in ciidamada Daacish dagaal xoog badan lala galo, islamarkaana laga sifeeyo Soomaaliya inta aaney xoog badan yeelan.

Maraykanka ayaa kamid ah dalalka aadka u taageera Soomaaliya, waxaana uu ka caawiyaa arrimo Milatariga u badan.

LEAVE A REPLY