Dowladda Marekanka oo Tagsiile Soomaali ah masaafurisay

Dowladda Marekanka oo Tagsiile Soomaali ah masaafurisay

SHARE

Dowladda Marekanka ayaa dalkeeda ka soo masaafurisay Tagsiile Soomaali ah oo la sheegay inuu kumanaan kun oo doollar ugu diray Soomaaliya ururka al-Shabaab.

War lugu baahiyay wakaaladda wararka ee AP ayaa lugu xaqiijiyay masaafurinta tagsiilahan Soomaaliga ah oo la sheegay inuu ka shaqeyn jiray gobolka California.

Magaca tagsiilahan ayaa lugu sheegay,Axmednaasir Tahaliil Maxamuud waxaana dhawaan maxkamad ku taalla Mareykanku ku heshay falkaa inuu ku kacay,Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya laga dejiyay Talaadadii shalay.

Waaxda socdaalka ee Mareykanka ayaa sheegtay in Axmed ay ku wareejisay nabad sugida Soomaaliya shalay.

Ninkaa ayaa jira da’da 41 wuxuuna xabsi ku jiray Mareykanka gudihiisa muddo 6 sano ah.
Labo nin oo kale oo kiisas noocaa ah kula jiray asaga ayaa Mareykanka gudihiisa lagu xukumay muddo 10 sano ah iyo muddo 18 sano ah oo xarig ah.

Dowladda Marekanka faah faahin badan kama bixin,sababta dib loogu celiyay Soomaaliya Tagsiilaha ka shaqeyn jiray gudaha dalkaas,waana tagsiilihii ugu horreeyay oo Marekanka uu ku celinayo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY