Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo Maalintii Labaad la Duqeeyay

Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo Maalintii Labaad la Duqeeyay

SHARE

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in maraakiib shishiiye oo kusoo dhawaaday xeebta degmadaas ay maalintii labaad ay duqeeyeen degmadaas oo wali ay ku xoogan yihiin dagaalyahano xiriir la leh kooxda Daacish-ta Soomaliya.

Maraakiibtaan ayaa dhanka Badda ka duqeynaya degmada Qandala ee Gobolka Bari oo inta ugu badan Bulshadii deegaanka isaga barakacay, waxaa sidoo kale jirey madaafiic jawaab ahaa ay degmada Qandala  ka tureen dagaalyanada kooxda Daacish-ta Soomaliya.

Dhanka kale hawada degmada Qandala ee Gobolka Bari waxaa lagu arkayay maalmihii dambe diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda kuwaasi oo sidoo kale duqeyn ka fuliyay maalintii shalay aheyd degmadaas.

LEAVE A REPLY