Madaxweyne Xasan Sheekh: ”Soomaaliya waxaa lagu leeyahay 5 Bilyan,lacag kalena ma amaahan...

Madaxweyne Xasan Sheekh: ”Soomaaliya waxaa lagu leeyahay 5 Bilyan,lacag kalena ma amaahan karno”

SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud,waxa uu sheegay in Soomalaiya xiligan lagu leeyahay lacago aad utira badan taas oo ka hor istaageysa Hormarka ay hiigsaneyso.

Waxa uu Madaxweynaha Carabka ku dhuftay in 5 Bilyan oo doollar xiligan deynta haan loogu leeyahay Soomaaliya,ma sheegin rasmi ahaan cida ku leh lacagaha aadka ufaraha badan.

waxa uu hadalkiisa intaasi sii raaciyay in dhowr jeer ay isku dayeen  iney lacago kale soo amaahdaan,balse arinkaasi aysan dhicin maadaama lacago hore oo tiro badan laga doonayo.

si soomaaliya ay xiligan lacago uhesho ayuu Madaxweynaha ku sheegay in muhiimada 1aad ay tahay ,in marka hore la xoojiyo awooda kaabayaasha dhaqaale ee dalkan leeyahay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu tilmaamay in hormarka hada ay sameyneyso Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ay qeyb ka tahay qorshayaasha Dowlada ay kaga hortageyso Musuqa lagu8 eedeeyo Dalkan.

LEAVE A REPLY