Alshabaab Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Ajaanib Keenyaati ah Oo Joogtay Magaalada...

Alshabaab Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Ajaanib Keenyaati ah Oo Joogtay Magaalada Mandheera.

SHARE

Dad Kiinyaan ah oo ka kala yimid Gobolada kale ee dalka kiinya oo Joogay magaalada Mandheera ee Gobolka waqooyi Bari ee soomaalida Degto ayaa xalay Goor saqdhaxe ah ay weerar ku balaariyeen goob ay hurdeen dadkaasi xarakada Alshabaab, ee ka dagaalanta gudaha dalkaasi.

“Iyada oo aan laga war qabin ayay dhuumaalaysi ku yimaadeen sedex nin oo hubaysan oo ka tirsan maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab, waxayna weerareen goob ay hurdeen koox shaqaale dawladeed ahaa kana kala yimid daafaha dalka isla markaana waxay rasaas la dhaceen dad hurdaya oo aanba u war hayn meel looga yimid” sidaas waxaa yiri mid ka mid dadka degaanka oo la hadlayey warbaahinta.

Sedexdaan meesha soo weerartay waxaa la sheegay in ay ku hadlayeen afka soomaaliga waxayna goobtaasi ku dhaawaceen 4ruux 5 kalana waa ay ku dileen, waxayna u baxsadeen dhinaca xuduudda dalka soomaaliya sida ay sheegeen kooxaha amaanka u qaabilsan Mandheera.

Warka waxa uu intaa ku darayaa in dhaawacyadii la geeyay isbitaalka Mandheera, intii dhimatayna saaka loo qaadayo goobihii ay ka kala yimaadeen markoodii hore.

Ma aha markii ugu horaysay oo ay weeraraan xarkada alshabaab goobo ka mid ah dalka kiinya, waxayna argagixisada alshabaab barahooda Intarnedka ku sheegaan ilaa ay ciidamada kiinya isaga baxayaan dalka Soomaaliya waa ku socon doonaa weerakaasi dhuumaalaysiga ah

LEAVE A REPLY