75 Kun Oo Qoys Oo Magaalada GaalKacyo Laga Barakiciyey.

75 Kun Oo Qoys Oo Magaalada GaalKacyo Laga Barakiciyey.

SHARE

Dagaalka indhawaalaba ku soo noqnoqonayey magaalada gaalkacyo ee ku taala bartamaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in lagu dilay in ka badan 28 ruux oo Rayid ah, laguna dhaawacay tiro gaaraysa 80 kale, isla markaana lagu barakiciyey Qoyasa 75 kun kor u dhaafaya, sida laga soo xigtay xafiiska qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Bini’aadaminimada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan OJA.

Warka OJA waxa uu intaa ku darayaa haddii waqtiyada soo socda xal waara ay ka gaari waayaan mas’uuliyiinta labada Maamul goboleed ee Buntiland iyo galmudug ay dhici karto in xaalad Bini’aadaminimo ay halkaasi ka dhici doonto.

Sabatana waxay OJA ku sheegtay in xiliga lagu jiro uu aad u kululyahay dadkuna ay hoos joogaan qorax kulayl badan biyaha iyo waxa la cunana ay goobtaasi gabaabsi ku yihiin.

“waxaa laga yaabaa in xiliga dayrta uu gobolkaas ka curto, dadka halkaas ku barakacayna sida ay u la’yihiin gabaad ay qoraxda ka hoos galaan ayay haddii roobka uu da’ana ay ka sii daridoonto xaalka dadkaasi” sidaas waxaa yiri: Mas’uul sare oo ka tirsan Hay’adda OJA.

Wuxuu intaa raaciyey waa in labada Maamul Goboleed Mas’uuliyiintooda wax laga maqli karo ay la hadlaan isla markaana ay ku amraan in ay joojiyaan Dagaalka Maca darada ah oo ay wadaan kuwa saanadda iyo Hubka Culculus ku garaacaya dadka Rayidka ah.

 

LEAVE A REPLY