Maamul Goboleed Waa Murug Soo Korortay!!

Maamul Goboleed Waa Murug Soo Korortay!!

SHARE

Shaki kuma jiro in in badan oo Soomaalida ka mid ah ay u Riyaaqsan yihiin Maamul goboleedyada laga wada agloolayo dalka oo dhan, islamarkaana in badan oo soomaalida ka mid ah ay moodayaan in ay ku gaarayaan barwaaqo iyo nabad aan colaad dambe ka dambayn, Malahaasina ma aha mid xaq ah oo ay wax ka jiraan, waana riyo aan dhamaad lahayn oo isku sii diraysa dadka Soomaaliyeed, isla markaana waa feker soo galooti ah, oo laga soo waariday cadawga umadda soomaaliyeed ee duulaanka ku ah Midnimada afka, Dhaqanka Iyo Diinta Islaamka.

Waxaan wada ognahay in Hal dawlad iyo hal madaxweyne ay Soomaaliya ku heshiin wayday, ma waxay ku heshiinayaan kuna midoobayaan in ka badan 9 madaxweeyne, iyo in ku dhaw dhaw, Maya ma dhici karto, waa wax aan la qaadan Karin, lana ogolaan Karin.

Soomaalida ayaa ku maahmaahda Waa socon waynaye aan orodno, haddaba nin socon waayey oo ku calaacalaya ma socon karo haddii lagu yiraahdo war orod muxuu falayaa?  Shaki kuma jiro in uu dhacayo isla markaana uu gabayo socodkii loo diidanaa in uu socdo, waana qasab markaa in la qaado, haddaba dal dhan, dadkiisa iyo Agabkooda  cid qaadi kartaa in ay jirto uma malaynayo.

Waana taas sida soomaaliya iyo Soomaalidaba lala doonayo!! Marka Fekerkaan Ismaamul goboleedka lagu sheegayo yaa ugu mudan dunidaan in ay ku dhaqmaan yaana haboon in laga dhawro ku dhaqan iska daaye in laga ilaaliyo sheeg-sheegistiisa.

Nin baa wuxuu Nin kale ku yiri: Hebeloow waxaas Day, Markaas buu kii kale Yiri: War Adigu Waxa Ka Sokeeya waxaad sheegayso Day, marka sow ma haboona in la iska fiiriyo waxa la samaynayo inta aan la samayn ka hor, jawaabtu waa Haa, haddii aynaan is yeelyeelaynin.

Waxaa jira dalal dhawr ah oo ku dhaqma Maamul goboleedka oo horumar lixaad leh ku gaaray habkaan Is maamul goboleedka ah, waayo? Dadkooda iyo diimahooda ayaa kala duwan waxayna isku aamini waayeen hal maamul in la daba joogo oo siduu doono wax yeelaya, waxayna ka door bideen in qolo waliba ay samaysato maamul iyaga ay leeyihiin oo ay Amuurahooda dhaqaale siyaasad iyo dhaqan ku maareeyaan, xagga sarana ay dawlad dhexe oo ay wax ku leeyihiin la midoobaan, taasna waa ku aflaxeen.

Laakiin Soomaaliya oo tiro ahaan aan ognahay in aysan Ardaay buuxin Karin, haddana Isku Af ah oo isku dhaqan iyo Diinba ah, ma haboon tahay in habkaan shaydaaniga ah ee lagu sheegayo Maamul Goboleedka in la yiraahdo waa lagu dhaqmayaa. Maya Ayaan mar kale leeyahay, wuxuuna keenayaa habkaan in uu sii kala fogeeyo Soomaalida iyada oo awalba uu kala fogeeyey ku dhaqanka waxa loo yaqaan 4.5ta ee Qabyaalada laga soo dhambalay, waxaana mar dhaw la arki doonaa haddii Alle yiraahdo iyada oo la isu dili doono maamul goboleedyo iska soo wada horjeedo oo weliba lagu dhexqasay Qabyaalad nuuc kale ah oo dib u hesjhiisiinteeda la aqoon waayo meel la cuskiyo, sida haatanba ka socota goobo badan oo dalka ka mid ah.

Taasna waxay keeni doontaa in Soomaaliya oo dhanba laga waayo Joqoraafiga, laguna sheekaysan doono dunida oo dhan Somaalidii hadda ka hor jiri jirtay, Soomaalidii ka tirtirantay geeska afrika, Soomaaliyadii ku milantay Qawmiyadaha Afrika. iwm.

Bal eeg waxa haysta Itoobiya iyo sida uu u galay Ismaamul goboleedka oo ay indhawaalaba ku naaloonaysay, inkastoo Itoobiya ay tahay dalalka ugu haboon ismaamul goboleedka, haddana arag markii dawladda ay tiri waxaa la balaarinayaa Caasimadda waxa ka dhacay iyo Geerida tarabtarabta ah ee ka socota maanta,  bal fiiri xukuumaddii waxay ka gaartay ar yaa mar uun hadalkaas balaarinta Caasimadda ah afkaaga dib ugu celiya, ugu dambayntiina waxa Xukuumaddii ka fursan wayday in gebi ahaanba ay dalka oo dhan ku soo rogto Xukun Degdeg ah, oo aan naxariis lahayn, dunidana waxay manta eegaysaa halka ay Dawladda Itoobiya iyo dadkeeda ku dambayn doonaan, maxaa yeelay Itoobiya Caadi ma aha, waxaa ku nool Qawmiyado kala Diin, Kala Af, Kala Dhaqan ah oo aan waxba isu galin oo marka la isku daro 90 Malyuun kor u dhaafaya.

Bal malee shinidaas oo isku dhacda oo is dilaysa, ma la midbaa Soomaaliya oo kale, Ilaahoow kala teed oo kala celi kuwaas waayo waxaan sidaas u leeyahay dan uguma jirto isdagaalidda kuwaas cawaanta ah Soomaalida maanta , maxaa yeelay burburkooda ayaa ku soo hayaamaya dalka Soomaaliya, waxaana la malaysan karaa in ay soomaalida shiiqiyaan kuwa la soo qixiyo oo ka soo cararo biraha la is waydaarsanayo.

Taana waxay keeni karta wax aan iminka aan la sii saadin Karin iyo Hoog hor leh oo laga shalaayo, kuna fariista dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.waana hubaal in dadkeena uu yahay isuma taliso aan ismaqal, Kibir badan oo aan jeclayn la sii noolaanshaha Ajaanibta aan Muslimka ahayn, marka adigaan Qormadaan aqrinaya ku sii dardarso waxa ay noqon doonto markaa xaaladda.

Wixii Alle yiraahdo ayuun baa Aduunyada ka Hirgala, wixii la sheego ama la saadaaliyana wax uun baa laga arkaa, waxaasi ha yaraadaano ama ha badnaadaane waxaa laga dhaxlaa waayo aragnimo hor leh, ka dibna buugaata Qoran ayaa lagu xardhaa si jiilka dambe ee imaan doona uga faa’iidaystaan, isagana ilaaliyaan boholaha ka hoos qodan waxaas ay waayo aragnimada uga dhaxleen awoowayaashoodii hore, waxaase hubanti ah in soomaalida maanta Nool aysan helin waayo aragnimo qoran, balse waxay ku nool yihiin Duni wada jahwareersan oo aan u baahnayn waayo aragnimo la aqriyo, waxaana ku filan waxa maanta hareerahooda ka dhacaya oo Mugdi daran Iyo Ilays Baaxad leh isugu jira.

Haddaba inta ay goori goor tahay, waxaa lagama maarmaan ah in Madaxda Dhaqanka Soomaalida, Madaxda Siyaasadda, Hogaamiyaasha Diinta, waxgaradka, Aqoonyahanka iyo cid kasta oo wax ka tari karta ka hortagga Habkaan Xaaraanta ah oo aan ku haboonayn Soomaaliya in ay ku eegaan indho furan dabadeedna ay kala horyimaadaan dagaal aan gabasho lahayn iyo naf hurid aan cabsi lahayn Hirgalintiisa si Soomaaliya ay u sii jirto maadaama ay Soomaalidu yihiin dad hal Abuur leh, yaryar, Qurqurxoon oo cadaw fara badan ku leh dunidaan.

W/Q: Muwaadin Xalaal Ah

LEAVE A REPLY