Wararka saaka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in...

Wararka saaka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay ka jirto Xaalad degenaasho aan Cago badan ku taagneen .

SHARE

Wararka saaka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in  Magaaladaasi ay ka jirto Xaalad degenaasho aan Cago badan ku taagneen .

Ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in ay isku hor fadhiyaan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Gelinki dambe ee shalay ayey ahayd markii dagaal Culus uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo kaas oo la sheegay in Khasaaraha ugu badan uu ka soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Ilo wareedyo ku sugan  Magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in dagaalkii shalay ay ku dhinteen 15 qof oo dhammaan ahaa dhinacyadii dagaalamay ka tirsanaa.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee maamulka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen Kooxo  uu ku sheegay in ay yihiin kuwa Nabad diid ah ayna iska Caabiyeen.

Dhinaciisa Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Mudug ee Galmudug Maxamed Cali Nuur ayaa isaguna waxa uu sheegay in Gaalkacyo ay Qabuuro ka dhigi doonaan haddii aanu joojin Puntland wax uu ku tilmaamay Gardarrada aan loom eel dayin.

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa marba marka  ka dambeysa ka sii dareysa iyadoona aanu muuqan wax xal ah oo laga gaarayo xiisadda halkaas ka jirta.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY