Turkiga oo Gaadiid ku wareejisay dowladda Soomaaliya” Sawirro”

Turkiga oo Gaadiid ku wareejisay dowladda Soomaaliya” Sawirro”

SHARE

Dowladda Turkiga oo ka mid ah dowladaha taageera dowladda Soomaaliya ayaa Maanta ku wareejisay  Gawaari nooca Basaska ah oo aan rasaasta Karin Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Gawaaridaan  ayaa loogu tala galay maxaabiista ku jirta Xabsiyada magaalada Muqdisho in lagu qaado xilliyada la geynaayo Maxkamadaha.

Bashiir Maxamed Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay  in Taliska Asluubto uu u baahnaa baabuurtaan, islamarkaana waxa uu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo deeqdaan soo gaarsiisay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Basaskaan  oo tiradooda ay tahay 2 ayaa waxaa loogu tala galay in loogu adeego Maxaabiista  ku xiran Xabsiyadda Muqdisho sida uu sheegay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe)

basas1basasbas-640x382

LEAVE A REPLY