Dilalka Qorshaysan Ee Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Yaa Loo Tiirinayaa?

Dilalka Qorshaysan Ee Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Yaa Loo Tiirinayaa?

SHARE

Maqribkii markii loo kala dareero goobaha cibaadada, guryaha iyo meelaha kale ee loo danaysto waxaa inta badan magaalada Muqdishow ka dhaca Dilal lala beegsado dadka indhaha bulshada u ah,  sida Duqowda Dhaqanka, indheer garadka, aqoonyahanada, Askarta dawladda wariyayaasha iyo ruux kasta oo loo maleeyo in uu yahay waxtar.

Dadka qaar hal qolo ayay uga dhegan tahay in ay falaan arimahaas laakiin waa dad aan ogayn xaqiiqda dhabta ah ee jirta, waxayna si cad u yiraahdaan markasta oo ay maqlaan ruux la dilay,  waxaa arintaas ka dambeeya kooxda Alshabaab ee nabad diidka ah, laakiin is waydiintu waxa ay tahay sida aan wada ognahay Alshabaab waxay ku sheegtaan barahooda intarnedka  ruuxii ay dilaan, weliba waxay raaciyaan sababtii ay u dileen, hase yeeshee waxaa jira dad fara badan oo muqdisho lagu dilay oo aysan sheegan kooxda Alshabaab ee yaa dila kuwaas?

Muqdisho waxaa wax dila kooxo fara badan oo aan la aqoon,  fariisimahooda, iyo magacyadooda,  waxna u dila Siyaasad, Dhaqaale, Feker,iyo  aano qabiil, kuna dhuumaalaysta gudaha Magaalada.

Shaki kuma jiro in kooxahaasi kale oo banaystay dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, oo wax u dila sida ay wax u dilaan Kooxda alshabaab, isla markaana habka ay wax u  dilaan u ekaysiiya hababka ay wax u dilaan Alshabaab.

Shabaabkuna ma sheegtaan iskamana bari yeelaan ruuxaas ay iyagu dilin,  shib bayna iska yiraahdaan taasna waa wax lala yaabo oo aan iyadana jawaab loo hayn.

Muqdisho xaalufin dil ayaa ku socota oo xawli badan ku ordaysa, dadkuna quus ayay ka joogaan in ay ogaadaan dadkaan dadka laynaya ee maalin kasta la leeyahay waa baxsadeen kuwii wax dilay, waxaad moodaysaa in kooxaha wax dila ay wada heshiis yihiin, maxaa yeelay ma maqlaysid kuwii danbiga galay waa la soo qabtay, waxaana la marsiinayaa sharciga, marar nadir ah ma ahee inta badan lama soo qabto kuwa wax dila, waa la daba joogaa iyo waa la baaraa ayay arintu isaga dhamaataa, marka la eego dhinaca dawladda.

Dalka dawlad buu leeyahay, Sirdoon iyo ciidana Wuu leeyahay Culumo buu leeyahay, caaqiliina waa leeyahay, haddana lama arkayo caqli shaqeeya oo arintaas ka dhiidhiya kana hortaga oo wax ka qabta dhibaatooyinkaas umadda oo dhan haraysay, waxa taas sababayna  weli si fiican looma ogaan.

Laakiin waxaa jira cabsi guud oo intaas oo dhan aamusisay kana dhigtay dadkii wax qaban karay wax aan jirin oo kale, Matalan waxaan wada ogsoonahay in dalka uu leeyahay dawlad,  waxay qaadaa Canshuur  loogu talagalay in arimahooda guud wax looga qabto islamarkaana lagu sugo Amaankooda dadkuna kama horyimaadaan awaamiirta dawladda inta badan, waxaa kaloo jira canshuur kale oo dadka, Shirkadaha iyo ganacsatada yaryarba laga qaado oo aysan diidi Karin, oo ay urursadaan Kooxaha sida dadban iyo sida muuqata dadka u dila oo ay ugu tun wayn tahay kooxda Al-shabaab.

Waxaa jira dilal fara badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho oo aysan sheegan Kooxda Al-shabaab Matalan: Suxufigii ugu dambeeyey ee lagu dilay Agagaarka Hotel Tawfiiq meel u dhaw Halka loo yaqaan Jiira Garoob. Kooxda Al-shabaab ma ayasan sheegan dilkiisa iswaydiintuna waxay tahay Yaa Dilay Haddii aysan dilin Al-shabaab oo aysan sheegan.?

Shaki kama Noola in C/casiis Cali Xaaji ay dileen kooxaha qarsoon ee aan u muuqan sida Al shabaab ee dadka dila isla- markaana aan lahayn Baro muuqda oo loogu hagaago markii ay wax gaystaan.

Suxufigaan waxaan ka war qabnaa in ayaamihii ugu dambeeyey noloshiisa in uu ka hadlayey tacaddi ay shaqsiyaad ka mid ah Bulshada soomaaliyeed u gaysanayeen muwaadiniin kale isla markaana uu toosh ku ifinayey waxyeelada ay gaysanayaan kuwa sad bursiga umadda ku haaya, kaliya C/casiisa waxa uu u dhintay maxaad u sii sheegsheegaysaa waxa aan gaysanayno iyo boobka aan umadda ku hayno, waa sidaas sida uu u dhintay ninkaas dhalin yarada ah ee codka u ahaa kuwa laga itaal roonyahay ee markasta lagu dhaco Awoodaha Qarsoon

Haddaba waxaa la sugayaa in maalin maalmaha ka mid ah la soo qaban doono kuwii ka dambeeyey Geerida wariyahaas u ololayn jiray dadka inta taagta daran ee mar kasta iyo maalin kasta lagu tacadinayey, isla markaana la horkeeni doono cadaaladda si looga abaalmariyo hagardaamooyinkii ay u gaysteen muwaadiniin badan oo xalaal ah sida C/casiis Cali Xaaji oo kale

Guntii iyo Gunaanudkii waxaa hubanti ah in aysan sii socondoonin, dulmiga iyo jawrfalka lagula kaco dadka aan hubaysnayn ee ugu saafisan umadda Soomaaliyeed waxaana dabar go’idoona inta ka soo horjeedda xuriyadda hadalaka, sinaanta dadka, wada jirka umadda, iyo wanaagga bulshada, waa taas xaqiiqda runta ah iyo sunada Rabbi uu u jideeyey koonkaan, cid sidaas badeli kartana ma jirto.

Waxaa Qoray: Muwaadin Xalaal ah

LEAVE A REPLY