Degmada Halgan oo ka baxday gacanta Dowladda

Degmada Halgan oo ka baxday gacanta Dowladda

SHARE

Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, kaddib markii ay ka baxeen Ciidamada Ethiopia ee AMISOM, kuwaasi oo gacanta ku hayay Guud ahaan Degmada Halgan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda u maamulaayaan gacanta ku heynta deegaanka Halgan oo ay saaka ka baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Itoobiya .

Ciidamada Ethiopia ayaa dabayaaqadii bishii September ka baxay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, iyago sidoo kale isaga baxay deegaanka Ceel Cali oo Baledweyne u jira 75 km.

Deegaanka Halgan ayaa Qiyaastii 45-KM wuxuu u jiraa Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu ku yaalaa deegaankaan wadada xiriirisa Baledweyne iyo Buulo burte.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababaha ugu wacan ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, mana aha markii ugu horreysay oo ay ka baxaan deegaano ay gacanta ku hayeen.

LEAVE A REPLY