Axmed Madoobe oo Gaaray imaaraadka carabta ” Sawirro”

Axmed Madoobe oo Gaaray imaaraadka carabta ” Sawirro”

SHARE

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray magaalada Abu dhabi ee xarunta isutaga imaaraadka Carabta, waxaana kusoo dhaweeyey safiirka imaaraadka carabta ufadhiya Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmani iyo masuuliyiin kale oo katirsan xukuumada Imaaraatka carabta.

Safarkan uu madaxweynuhu ku tagey Abu dhabi ayay ujeedadiisu tahay kawada xaajoodka dhamaystirka mashaariic hormarineed oo ay Imaaraatka carabtu kawadaan Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo sida dib udhiska Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo , Xarunta tababarka ciidamada iyo goobo waxbarasho oo dhismahoodu gabo gabo marayo oo muhiim u ah bulshada magaalada Kismaayo.

imaaraadkaimaaraadka-2imaaraadka-1

LEAVE A REPLY