Xasan Sheekh: " Waxaana noo dhimman maamullada gobollada Waqooyi iyo Caasimadda Muqdisho...

Xasan Sheekh: " Waxaana noo dhimman maamullada gobollada Waqooyi iyo Caasimadda Muqdisho oo aan rabno in meeqaamkeeda la caddeeyo ”

SHARE

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in munaasabadda maanta loogu dabaal degayo ay tahay mid si wada jir ah loo qabtay, isla markaana aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta.

Madaxweynaha waxaa uu hadlay kadib markii ay hadleen mas’uuliyiintii kale ee ka qeyb galay munaasibadda caleemsaarka madaxweynaha Hirshabeelle,waxaana inta badan madaxda ka hor hadashay ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan in maamulka Hirshabeelle uu noqdo kii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan magaca Dowladda Soomaaliya waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay hirgelinta howshan, iyo mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ee ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyagana waan u mahadcelinayaa, waxaan kaloo u mahadcelinayaa odoyaasha dhaqanka oo door muuqda ku lahaa dhismaha maamulka Hirshabeelle” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh,ayaa sheegay in Maamulka Hirshabeelle uu yahay maamulkii 5-aad ee maamul Goboeedyada Soomaaliya ka mid ah islamarkaana ay dhiman yihiin labo maamul Goboleed oo kale.

“Maamulka Hirshabeelle maha maamulkii ugu dambeeyay ee waa kii 5-aad, waxaana noo dhimman Maamullada gobollada Waqooyi iyo Caasimadda Muqdisho oo aan rabno in meeqaamkeeda la caddeeyo ”. ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aysan ahayn magaalo ay leeyihiin dad gaar ah islamarkaana loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay Muqdisho u qaataan magaaladooda.

LEAVE A REPLY