Xaalada Magaalada Galkacyo  oo Caawa Degan Xili Galabta uu Dagaal ka Dhacay

Xaalada Magaalada Galkacyo  oo Caawa Degan Xili Galabta uu Dagaal ka Dhacay

SHARE
Waxaa caawa degan Xaaladda  magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kadib markii galabta ay mar kale kuwada dagaalameen ciidamo kala taabacsan maamulada puntland iyo Galmudug oo waayahaan ku dagaalamayay halkaas.

Dagaalka galabata ka dhacay Gaalkacyo ayaa Labada dhinac waxay isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,daryanka rasaas  fudfudud iyo madaafiic  xoogan ayaa  laga maqlayay galabta oo idil Magaalada  Gaalkacyo.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka qarxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay iyo shacab kooban oo ku sugan Magaaladaas.

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in uu burburay wada-hadalkii u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug taasi ay keentay in dagaalka uu mar kale dib kaga qarxo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY