Taliyaha laanta Socdaalka :“Qurba joog waa dad Soomaliyeed waxa ay leeyihiin xuquuq...

Taliyaha laanta Socdaalka :“Qurba joog waa dad Soomaliyeed waxa ay leeyihiin xuquuq dastuuri ah”

SHARE

Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyada ee dowladda Soomaaliya Maxamad Aadan Koofi oo la hadlay laanta Afka soomalig ee BBC-da ayaa beeniyay eedeyn kaga timid Qurba joogta soomaliyeed oo ku aadan in lagu dhibaateeyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde markii ay dalka dib ugu soo laabtaan.

 

Taliyaha laanta Socdaalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta loosoo jeediyay laanta Socdaalka iyo Jinsiyada ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan in la dhibaateeyo dadka qurba joogta ah markii ay kusoo laabtaan dalkooda Hooyo.

 

“Qurba joogta waa dad Soomaliyeed waxa ay leeyihiin xuquuq dastuuri ah, waxa ay lamid yihiin kan Qaran jooga ah ee dalkiisa joogo, laakin marka ay timaado arrimaha la xiriira sharciyada socdaalka ee dalka u yaala iyo kan caalamka u yaala, waxaa jira waxyaalo kala duwaayo qofka muwaadinka Soomaliyeed ee wata ducumentiga  Soomaliga ah, iyo qofka  ajnabiga ah ee wata baasaasboorka ajanibiga ah, waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan jirin waxyaalo lasoo kordhiyay  oo sharciyada ku saabsan”, ayuu yiri Maxamad Aadan Koofi.

 

Maxamad Aadan Koofi oo ka hadlayay eedeynta loo soo jeediyay Hay’adda Socdaalka  Soomaliya ayaa sheegay in ay jiraan qaabab loola dhaqmo dadka qurba joogta ee haysto dhalashooyinka kala duwan, balse aysan jirin dhibaatooyin loo geysto markii ay dalkooda kusoo laabtaan.

 

“Dastuurka waxa uu qorayaa in qofka Soomaliga uu haysan karo labo jinsiyadood, waxa uu leeyahay xaquuqdii Dastuuriga ee Soomaalinimada ay siinaysay, laakin markii laga hadlaayo Air Port-ka waxa ay ku xiran tahay passaporka uu heysto, anaga waxaan ku shaqeynaa qaab kale, qofka qurba jooga ah ee yimaada dalkiisa waxaa la marsiiyaa System ka duwan kan uu maro Muwaadinka Soomaliyeed”, ayuu yiri Koofi.

 

Dhawaan ayay aheyd markii qaar kamid ah Qurba joogta Soomaliyeed ay laanta Socdaalka iyo Jinsiyada ee dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyeen in ay dhibaatooyin kala kulmaan markii ay kusoo laabtaan dalkooda.

LEAVE A REPLY