Qaban qaabada xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka...

Qaban qaabada xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada jowhar

SHARE

Qaban qaabada xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdulahi Cosoble ayaa ka socota Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaas.

Munaasabada Caleema Saarka ayaa waxaa ka Qeyb gali doono masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ,wafuud ka socota Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka .

Ammaanka Magaaladda Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana lagu dhax arkayaa Magaalada Jowhar Ciidamo farabadan oo ka Tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhawaan Doorasho ka dhacday gudaha Magaalada Jowhar waxaa Xilka Madaxweynenimo ku guuleystay Mudane Cali Cabdulahi Cosoble.

LEAVE A REPLY