Madaxweynaha dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Jowhar

Madaxweynaha dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Jowhar

SHARE

Iyadoo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka socdo munaasabadda lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle, ayaa wararka naga soo gaaraya halkaasi waxa ay sheegayaan in goor dhow uu gaaray madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheakh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno kale.

Wafdiga madaxweynaha ayaa halkaasi u gaaray ka qeyb galka xafladda caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.

Waxaa iyana la filayaa in Jowhar ay gaaraan wufuud ka socota beesha caalamka oo sidoo kale ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY