Maamulka Puntland oo si adag ula dar-daarmay Xubnaha Aqalka Sare u matalaya...

Maamulka Puntland oo si adag ula dar-daarmay Xubnaha Aqalka Sare u matalaya ” Sawirro”

SHARE

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha  Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta quraac sharaf u sameeyey xubnaha aqalka sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya u matalaya Puntland.

Waxa uu sheegay in xubnahaani ay dirsatay Puntland looga baahan yahay in ay soo dhiciyaan xuquuqda ay leeyihiin shacabka kunool deegaanada maamulka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha looga baahan yahay in ay ka warqabaan deegaanadii laga  Soo doortay.

Ugu dambayn kusimaha Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey waxa uu ku boorriyey xubnaha aqalka sare u meteli doona Puntland in ay ahaadaan kuwo tusaale wanaagsan u noqda guud ahaan 54-ta xubnood ee uu ka koobnaan doono aqalka sare ee dawladda Federaalka.

dsc_0992dsc_0988dsc_0986dsc_1023dsc_1017dsc_0997dsc_0995dsc_0993

LEAVE A REPLY