Kenya oo ganacsatada Mandheera ku eedeysay maal gelinta Al-shabaab

Kenya oo ganacsatada Mandheera ku eedeysay maal gelinta Al-shabaab

SHARE

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ganacsatada Magaalada Mandheera ku eedeysay in ay maal geliyaan Xarakada Al-shabaab,waxayna ganacsatada u sheegtay in aysan siin Karin lacag xarkada Al shabaab.

Fredrick Shista oo ah Gudoomiyaha Gobolka waqooyi barri ayaa sheegay in saraakiisha Amaanka ay ka war hayaan Ganacsatada Soomaalida ah ee taageerta Al shabaab , gaar ahaan kuwa lacagta siiya ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Waxa uu ku eedeeyey Mr: Shista in ganacsatada ay si qarsoodi ah u dhaqaaleeyaan xubnaha Alshabaab, gaar ahaan kuwa ka dagaalama gudaha Kiinya, kuwaas oo gaystay weeraro aan naxariis lahayn.

Waxa kale uu sheegay Gudoomiyahu in sirdoonka Kiinya ay heleen xog muujinaysa in ganacsatadu aysan bixin lacagaha canshuuraha ah ee dawladda ka doonayso, isla markaana ay siiyaan lacag intaas ka badan xarakada Alshabaab .

Waxa uu ka digay Gudoomiyaha in ay jiraan haween ay qabeen Xubno Alshabaab ah oo laga soo cayriyey maamul goboleedka Jubba land oo ku soo wajahan Mandheera si ay ugu sii noolaadaan magaalada isla markaana ay u qabtaan hawlihii looga soo cayriyey dhulkooda.

Nin u dhashay magaalada Mandheere oo lagu magacaabo C/Nuure ayaa ku eedeeyey Dawladda Kiinya iyo Ciidamadeeda Sirdoonka xogta khaldan ee ay leeyihiin waan helnay, isla markaana ay doonayaan in ay ku dhibaateeyaan dadka degan waqooyi Bari iyo hareeraheeda.

LEAVE A REPLY