Ciidamada dowlada Ciraaq ee ka dagaalamaya Mosul oo ku sugan xaalad halis...

Ciidamada dowlada Ciraaq ee ka dagaalamaya Mosul oo ku sugan xaalad halis ah

SHARE

Ciidamada Mareykanka ee saldhig ku leh agagaarka magaalada Mosul ayaa xirtay qalab ay isaga difaacayaan sunta warshad baaruudda sameysa oo ay gubeen kooxda Daacish, waana uu qiiqa suntan  u baxaya dhanka degaanka Qayarah.

Degaanka Qayarah waxay marin muhiim ah u tahay ciidamada Mareykanka oo taageeraya kuwa Ciraaq ee duullaanka ku ah magaalada Moosil oo ah meesha ay ugu xoogga badan yihiin kooxda daacish.

Baaruuda waa sun saameyn karta qofka marka sanka ay ka gasho ama ay gaarto maqaarka, waxay sababeysaa cun-cun dhuunta iyo sanka ah, Lalabo, Matag, calool xanuun iyo inay dhibaato u geysato sambabada.

Indhaha haddii ay gaartana waxay sababi kartaa indho la’aan aan waxba laga qaban Karin, waxayna suntan saameyn xoogan ku yeelan kartaa duullaanka hadda socda ee ciidamada Ciraaq ku doonayaan iney magaalada Moosil kaga saaraan kooxda Daacish.









LEAVE A REPLY